Al-shabaab oo meel fagaaro ah ku toogatay Afar dhalinyaro ah oo ay ku eedeeyeen basaasnimo
Axad, Maarso, 31, 2019 (HOL)– Wararka ka imanaya
deegaanka Kamsuuma ee gobolka Jubbadda hoose ayaa sheegaya in Al-shabaab meel
fagaaro ah ku toogteen Afar dhalinyaro ah oo ay ku eedeeyeen in ay basaas u
ahaayeen hay’addo caalami ah iyo dowladda Soomaaliya.
Fagaaraha toogashada ay ka dhacday ayaa waxaa isugu yimid boqolaal dad ah oo
loogu yeeray in ay u soo daawasho tagaan toogashada dhalinyaadan.
Magacyada dhalinyarada toogashada lagu fuliyay :
1: Aweys Ismaaciil Aadan oo 25 Sano jir ahaa ayay sheegeen Al-shabaab in uu
la Shaqeynayay Sirdoonka Dowladda Federaalka Soomaaliya,isla markaana uu gudbin
jiray lambarada saraakiisha Al-Shabaab si loo duqeeyo,iyaga oo sheegay un
qaadan jiray lacag dhan 50 Dollar.
2: -Cilmi Warsame Cumar oo ay Shabaab sheegeen in uu u Shaqeynayay Shirkad
lagu Magacaabo PSU oo laga leeyahay dalka Britain, isla markaana uu sidoo kale
hagi jiray diyaaradaha duqeymaha ka fuliya Gobolka Hiiraan,isla markaana lacag
ahaan u qaadan jiray 270 oo dollar.
3: Cumar Cabdullaahi Cabdi ayaa Al-Shabaab waxa ay ku eedeeyen in uu la
Shaqeynayay Ciidamada Jabuuti ee Hiil-Walaal ee ku sugan Baladweyne iyo
Jalalaqsi una qaabilsanbaa hagida diyaaradaha wax duqeeya,sidoo kalena mushaar
ahaan uu u qaadan jiray 477 dollar.
4: Maxamuud Abuukar Xaaji ayaa sidoo kale Al-Shabaab ku eedeeyeen in uu la
Shaqeynayay Sirdoonka dowladda Federaalka gaar ahaan kuwa PS-ta, isla markaana
uu u qaabislanaa in uu Shirqoolo Saraakiisha Al-Shabaab ee Gobolka Shabeellaha
Hoose.
Toddobaadkii hore ayeey sidan oo
kale Al-shabaab waxaa ay meel fagaaro ah ku toogteen shan ruux oo saddex ka mid
ah ahaayeen Kenyaan, kuwaa oo ku eedeysanaa in ay u basaasayeen AMISOM iyo
Mareykanka.
C/raxmaan Diini,
Hiiraan Online
[email protected]