4/26/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, Mar 31, 2019
Guddi heer Wasiiro ah oo loo saaray sugida Amniga magaalada Muqdisho

 

Axad, Maarso, 31, 2019 (HOL)–Kaddib kulan gaar ah oo magaalada Muqdisho ay ku yeesheen Golaha Wasiirradda Soomaaliya ayaa si gaar ah looga dooday Amniga magaalada Muqdisho oo maalmihii ugu danbeeyay siweyn u sii xumaanayay.

Wasiiru-dowlaha xafiiska ra’iisal wasaaraha Cabdullaahi Xaamud oo warbaahinta la hadlay ayaa sheegay in kulanka golaha Wasiirrada ugu danbeyntii leysku raacay in guddi heer Wasiirro ah loo saaro sugida Amniga caasimada, islamarkaana ay soo diyaariyaan sida uu hadalka u dhigay qorshayaal lagu xaqiijinayo nabad-galyada magaalada Muqdisho.

‘’Intii uu kulanku socday Wasiirradu waxaa ay fursad u heleen mid mid in ay uga hadlaan ajandaha shirka, waxaana markii danbe leysku raacay in arintan loo saaro guddi ka kooban golaha Wasiirradda oo laga sugayo qorshayaal looga hortagayo falalka amaan darro ee ka dhaca magaalada’’ ayuu yiri Wasiirka.

Wasiir Xaamud ayaa intaa ku daray in weerarradii ugu danbeeyay iyo qaraxyadii ka dhacayay magaalada Muqdisho macnaheedu aheyn in Al-shabaab ay soo xoogeysteen, laakiin sida uu hadalka u dhigay marayaan maalmahoodii ugu danbeeyay lana soo afjarayo.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]