4/24/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, Mar 31, 2019
Dagaal culus oo ciidamada dowladda iyo Al-shabaab ku dhaxmaray gobolka Shabeellaha Hoose

 

Axad, Maarso, 31, 2019 (HOL) – Wararka ka imanaya gobolka Shabellalaha Hoose gaar ahaan degmada Qoryeelay ayaa sheegaya ayaa sheegaya xalay dagaal culus uu duleedka degmadaasi ku dhexmaray ciidamo ka tirsan kuwa dowladda Soomaaliya iyo Ururka Al-Shabaab.

Goobjoogayaal ayaa sheegay in xoogagga ka tirsan Al-shabaab weerar ku qaadeen Xarumo Ciidamo ka tirsan kuwa dowladda ku leeyihiin duleedka degmada Qoryooley ee gobolka Shabeellaha Hoose.

Saraakiil ka tirsan ciidamada xoogga dalka ayaa warbaahinta u sheegay in ay iska difaaceen weerarka kaga yimid dhinaca Al-Shabaab, islamarkaana khasaaro ay ku garsiiyeen wallow weli aan la helin dad madax banaan oo xaqiijinaya.

Wararka ugu danbeeyay ee degmada ka imanaya ayaa sheegaya in ciidamada iyo kuwa AMISOM ay wadaan dhaq dhaqaaqyo ciidan iyo howlgallo amniga lagu sugayo.

Gobolka Shabellaha hoose ayaa waxaa inta badan ku dagaalama ciidamada dowladda iyo kuwa Ururka Al-Shabaab, kadib markii Al-Shabaab ay weerar ku qaadaan Saldhigyada Ciidamada dowladda iyo kuwa AMISOM leeyihiin.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]