Madaxweyne Muuse Biixi oo xilalkii ka qaaday masuuliyiin lagu eedeeyey Musuqmaasuq
Sabti, Maarso, 30, 2019 (HOL)- Madaxweyne Biixi ayaa xilalkii ka qaaday saddex
masuul oo Hanti dhawrku ku eedeeyey musuqmaasuq, kuwaas oo baryahanba la
sugayey in xil ka xayuubin lagu sameeyo.
Saddexdan
masuul ayaa kala ah wasiirka warfaafinta Cabdiraxmaan Guribarwaaqo, wasiirka
Gaashaandhiga Ciise Axmed Cabdalle iyo agaasimaha wasaarada Gaashaandhiga
Jamaal Cabdilaahi Muxumed.
Saddexdan
masuul ee lagu eedeeyey musuqmaasuq inay ku kaceen ayaa loo gudbiyey xeer
ilaalinta qaranka, waxaanay xil ka qaadistani u muuqata in hanti dhawrku
dalbaday in xilka laga qaado si maxkamada loo horgeeyo.
Sidoo
kale, madaxweynuhu wuxuu xilalkii ka qaaday masuuliyiin kale kuwaas oo kala ah:
Wasiir
ku xigeenkii wasaarada Warfaafinta Maxamed Muuse Abees, agaasimihii guud ee
wasaaradda Xidhiidhka Golayaasha iyo Arrimaha Dastuurka Maxamed Xuseen Axmed
Dhabbeeye, Agaasimihii Guud ee Wasaaradda Dhallinyarada iyo Ciyaaraha
Cabdikariim Xuseen Siciid.
Wakiilkii
Somaliland ku lahayd Imaaraadka Carabta Xasan Hirad Yaasiin, wakiil ku xigeenka
xafiiska Kenya Ayaanle Salaad Diiriye.
Sidoo
kale, waxa uu madaxweynuhu xilal cusub u magacaabay masuuliyiintan hoos ku
qoran:
1.
Cabdiqani Maxamuud Caateeye Fariid Wasiirka Wasaaradda Gaashaan-dhiga
2.
Maxamed Muuse Diiriye Wacays Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta, Wacyigelinta iyo
Dhaqanka
3.
Cabdirisaaq Cali Cabdi Saalax Wasiirka Wasaaradda Cadaaladda
4.
LiibaanYuusuf Cismaan Xuseen Wasiir Ku-xigeenka Wasaaradda Horumarinta
Caafimaadka
5.
Cabdinaasir Cumar Jaamac Rooble Wasiir Ku-xigeenka Wasaaradda Warfaafinta,
Wacyigelinta iyo Dhaqanka
6.
Cabdiqaadir Cumar Jaamac Maxamed Wasiir Ku-xigeenka Wasaaradda Arrimaha Dibedda
iyo Iskaashiga Caalamiga ah
7.
Maxamed Yuusuf Ismaaciil Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Horumarinta Biyaha
8.
Jamaal Cabdi Muuse Diiriye Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Xidhiidhka Golayaasha
iyo Arrimaha Dastuurka
9.
Maxamed Cabdillaahi Siciid Khaawi Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Dhallinyarada
iyo Ciyaaraha
10.
Mukhtaar Maxamed Cali Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Warfaafinta, Wacyigelinta
iyo Dhaqanka
11.
Farxaan Aadan Haybe Guddoomiyaha Hay'adda Shaqaalaha Dawladda
12.
Muniir Xaaji Cabdillaahi Abusite Wakiilka Somaliland ee Dalka Imaaraadka
Carabta
13.
Sharmaarke Axmed Muxummed Geelle Wakiil Ku Xigeenka Somaliland ee Dalka Kenya
14.
Maxamed Cabdillaahi Ibraahim Guddoomiye Ku Xigeenka Gobolka Togdheer.
Barkhad-ladiif M. Cumar, Hiiraan Online
[email protected]
Hargeysa, Somaliland.