4/27/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, Mar 3 , 2019
Kulan saddex geesood ah oo Asmara uga socda Madaxda Kenya Itoobiya iyo Eritrea

 

Axad, Marso, 03, 2019 (HOL)-Madaxweynaha Kenya Uhuru Kenyata iyo Ra’iisal wasaaraha Itoobiya Abiy Ahmed ayaa maanta gaaray magaalada Asmara ee dalka Etirea.

Waxaa halkaasi ku soo dhoweeyay Madaxweynaha dalka Eritrea Isaias Afwerki iyo xubno ka tirsan dowladiisa.

Saddexda hoggaamiye ee isugu tegay magaalada Asmara ayaan faafhaahin badan laga bixin qorshahooda, balse Wasiirka Warfaafinta Eritrea Yemane Gebre Meskel ayaa sheegay in shirka saddex geesoodka ah ay uga hadli doonaan arrimaha Gobolka, ayna jiri doonaan shirar kala gaara oo ay yeelan doonaan.

Hore waxaa magaalada Asmara kulamo saddex geesood ah ugu yeeshay madaxda Somalia, Itoobiya iyo Eritrea, taasoo ay walaac ka muujisay dowladda Kenya, waxaana hadda muuqata in madaxweynaha Kenya uu qaaday tallaabo diblomaasiyadeed kadib markii uu booqasho rasmi ah ku tegay dalka Itoobiya.

Kulan saddex geesoodka ah ee ay asmara iskugu tageen hogaamiyeyaasha dalalka Itoobiya, Kenya iyo Eritrea ayaa shaki badan gelinaya madaxda sare ee dowlada Somalia, maadaama uu ku soo aaday xili dhowaan uu xumaaday xiriirka dowladaha Somalia iyo Kenya.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]