4/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Jimco, Mar 29, 2019
Galmudug oo sharuud ku xirtay soo afjarida khilaafka kala dhaxeeya Dowladda Federaalka

 

Jimco, Maarso, 29, 2019 (HOL) – War-saxaafaddeed ka soo baxay dowlad gobolleedka Galmudug ayaa lagu sheegay sharuudo dhowr ah oo ka horeeya wada hadal ay la gasho dowladda federaalka Soomaaliya, kaddib kulan Dhuusa-Mareeb ku dhaxmaray Wasiirka arrimaha gudaha xukuumadda Soomaaliya iyo madaxda Galmudug.

War-saxaafadeedka ka soo baxay Galmudug ayaau dhignaa siddan :

Galmudug waxaa ay muujineysaa in miiska wada-hadalka la isugu imaan karo haddii dowlada Fadraalku ay tixgaliso Dastuurka Galmudug islamarkaana ay gacmaha ka laabato faragalinta qaawan oo ay ku heyso jiritaanka hay'adaha dastuuriga ah ee dowlad goboleedka Galmudug sida; muddo xileedka madaxda sare iyo golaha baarlamaanka.

Sidoo kale, Galmudug waxaa ay dalbatay in ka hor wada-hadalada ay DFS ay xiyiraada ka qaado kaalmadii miisaaniyadeed ee Galmudug ay ku laheyd qoondada miisaaniyada Qaranka iyo mashaariicda horumarineed ee hakadka ku jira muddo sanad ku dhaw si loogu adeego shacabka la dalaa-dhacaya duruufaha adag sida colaada iyo abaaraha soo noq-noqday

 

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]