4/27/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, Mar 27, 2019
Bursaalax: Isku-tashi lagu dhisayo waddo laami ah

Arbaco, Maarso, 27, 2019 (HOL)-  Dhismaha waddada bartamaha ee degmada Bursaalax ayaa si rasmi ah u billaabatay,iyadoo jidka loo diyaarinayo in la saaro laami.

Waddadaan oo noqonaysa middii ugu horreysay iyo mashruuc ballaaran, waxaa lagu dhisaya isku tashi bulsho deegaanka ,waxaana dhiseysa shirkadda Kebarco oo gacan ka siinaysa dadka deegaanka isku-tashiga socda.

Maamulka degmada ayaa ugu baaqay bulshada oo ay qurba-joogta iyo ganacsatada ugu horreeyaan inay ka qaybqaataan dhammeystirka jidkan,waxaa ay uga mahadceliyeen shirkadda gacanta ku haysa mashruuca ee Kebarco dadaalka ay ugu jirto in laga dhabeeyo qorshaha bulshada deegaanka ay ku billaabeen dhismaha waddada bartamaha.

"Waddadaan waxbadan ayay u tareysa degmada Bursaalax,markii hore inay gaadiidka adeegsadaan iska-daaye dadka ayaa ku dhibqabay bacaad badan ayaana buuxiyay". ayuu yiri guddoomiyaha degmada Bursaalax Maxamed Saleebaan Diiriye.

"Hadda wax walba waa billow, waxaana ay ku bilowdeen isku tashiga dadka deegaanka, waxaan ugu baaqeya cid walba in mashruucan oo sadaqo jaariya ah in laga qaybqaato". ayuu raaciyay guddoomiyaha Bursaalax.

Degmada Bursaalax ee gobolka Mudug, waxaa ay ka mid tahay deegaannada sookoraya ee ku dhismaya iskutashiga bulshada, waxaana degmada ay ka mid tahay deegaannada horumarka ballaaran sameynaya ee aan fursadda u helay dhismayaal waddooyin laami ah.

Iman Mohamed Jama, Hiiraan Online
[email protected]