4/27/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, Mar 27, 2019
Minnesota 19 Arday oo ka Qalinjabiyey 4 qaybood oo Qira'aadka Qur'aanka ah. Sawiro & Video

Arbaco, Maarso, 27, 2019 (HOL)-Waxaa Magaaladda Minneapolis ee Gobolka Minnesota lagu qabtay xafladd aad u balaaran oo lagu qabtay hotel DoubleTree Hilton  taas oo loo qabtay 19 Arday oo ku dhalatay kuna barbaartay gobolkaan oo dhameeyey barashada afar qiraa’ad ka quraanka laga aqriyo ka mida.

Xafladdaan oo ay ka soo qaybgaleen culumo diin waawayn oo ka kala yimi gobolada dalkaan ,waalidiin arday & qaar ka mida dadwaynaha Soomaaliyeed ee Minnesota dagan , iyagoo aad ugu riyaaqay waxyaabahii ay ardaydu ku soo bandhigeen xafladooda, culumaddii ka soo qaybgashay waxaa ka mid ah Sh Cabdiraxmaan Sh Cumar, Sh C/risaaq Xaashi, Sh Waleed Al Maneeze, Qaari Max’ed Cabaas, Sh. Xasan Saalax, iyo Sh Mowliid Ali.



Macallin Cabdinasir Faarax oo ahaa macalinka Dhalinyaradaan qalanjabisay oo HOL la hadlay ayaa sheegay in aad ugu faraxsan yahay dadaalka ay waxbarashadda galiyeen dhalintaan, waxuuna u mahadceliyey macalinku maamulka & Waalidiinta dugsiga Abuubakar iyo masaajidka oo ah kan ugu way nee Minnesota ku yaal kana soo baxaan boqolaal arday ah oo sanad walba dhameeyey barashada quraanka, Macalin C/nasir waxuu sheegay in ardydaan ku qaadatay 2 sano barashada qiraa’aadkaan.

Ardayda qalanjabisay waxaa ka mid ahaa ardayga Axmed Burhaan oo sanadkii hore ku soo guulaystay tartankii Quraanka ee Dubia,waxuuna hada isku diyaarinayaa Tartan ka dhacaya dalka Qadar.

Qaar ka mida waalidiinta ardayda ayaa macalinka gudoonsiiyey bilad sharaf ay ugu mahadceliyeen dadaalka uu soo galiyey ardaydaan.

Sh C/maan Sh Cumar oo ah aabaha dacwadda Minnesota ayaa ka soo sheekeyey dadaladii la soo maray , guul wayna ku tilmaamay in ilmahii maraykanka ku dhashay ay mustaqabalka dhow noqon doonaan kuwii hogaamin lahaa Muslimiinta Maraykanka, waxuuna sh Cabdiraxmaan ku celceliyey in guul ay u tahay Soomaalida Minnesota iyo Masjidka Abuubakar Arintaan.

Siyad Said Salah

[email protected]

Hiiraan Online

Minneapolis,Minnesota