4/27/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, Mar 27, 2019
Puntland oo tijaabinaysa doorasho qof iyo cod ah

 

Arbaco, Maarso, 27, 2019 (HOL)- Wasiirka arrimaha gudaha,federaalka iyo dimuqaradiyeynta Puntland, Maxamed Cabdiraxmaan Dhabancad wuxuu sheegay illaa saddex degmo inay ku qaban doonaan doorasho qof iyo cod ah,qorshaha oo tijaabo u ah sidii ay Puntland ugu dhici lahayd shacabka inay soo doortaan madaxweynaha marka la gaaro sannadka 2023.

“Waxaa qorshaha noogu jirta sannadkaan 2019ka inta uusan dhammaan bisha 10aad bisha 11aad in illaa saddex degmo ka sameyno tijaabo doorasho gole deegaan iyo duq degmo.” ayuu yiri Wasiir Dhabancad.

“ Haddii aan ku guuleysano dhammaan degmooyinka sannadka dambe waxaa ka dhacaysa doorasho dadku ay soo doortaan golaha deegaanka iyo maamulka” ayuu ku daray. 

Puntland oo la dhisay sannadkii 1998dii doorashooyinka degmo illaa Madaxweyne xildhibaanno qabaa’ilka ay soo xulaan ayaa wax dooranayay,waxaana in nidaamka laga gudbo ballanqaaday madaxweynaha hadda xilka haya Siciid Deni.

Iman Mohamed Jama, Hiiraan Online