4/27/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, Mar 27, 2019
Xerada Qaxootiga Dhadhaab oo la xirayo horaanta bisha Agoosto

 

Arbaco, Maarso, 27, 2019 (HOL)-Dowladda Kenya ayaa shaacisay in gabi ahaanba la xirayo xerada Qaxootiga Dhadhaab, halkaa oo hoy u ah in ka badan 230,000 oo qaxooti ah.

Warbaahinta ayaa heshay dukuminti ku saabsan xirista xeradan qaxootiga, islamarkaana Kenya ay xeri doonto bisha Agoosto ee sanadkan.

Hay’ada Qaramada Midoobay u qaabilsan qaxootiga UNHCR ayaa horay u shaacisay inay diyaar u tahay inay Kenya ka caawiso dib u celinta dadkaas ku jira Xerada Dhadhaab, iyaga oo aan la qasbin.

Sidoo kale hay’ada Qaramada Midoobay u qaabilsan qaxootiga UNHCR ayaa shaacisay in dadkaas dalalkooda dib loogu celin doono halka kuwa kale dib u dejin loogu sameyn doono Gudaha Kenya ama dal saddexaad.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]