4/27/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, Mar 27, 2019
Dad ku dhintay duqeyn loo geystay isbitaal ku yaala dalka Yemen

 

Arbaco, Maarso, 27, 2019 (HOL) - Inta la xaqiijinayo 7 qof oo ay afar ka mid ahi carruur yihiin ayaa la xaqiijiyay in ay dhinteen, kaddib marki uu gantaal ku habsaday isbitaal ay taageerto hey’adda Save the Children dhinaca oo ku yaalla waqooyigalbeed ee dalka Yemen.

Save the Children, waxay sheegtay in madfaca ku dhacay isbitaalka Kita see magaalada sacda ay ku dhaawacmeen sideed kale oo isugu jiray bukaannada iyo howlwadeennada isbitaalka.

Madaxa hey’adda Save the Children, Carolyn Miles ayaa cambaareysay madfaca lagu dhiftay isbitaalka, waxay ku tilmaantay weerarkaasi mid jibinaya qaanuunka caalamiga ah.

Wali ma kala cadda cidda soo gantay madfacaasi, balse isbaheysiga uu hogaamiyo Sacuudiga ee dagaalka kula jira jabhadda Xuutiga, ayaa horay u duqeeyay isbitaalo, iskuullo iyo xaafado ay daganyihiin dad rayid ah.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]