4/27/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, Mar 26, 2019
Wasiirka Qorsheynta Soomaaliya oo maanta soo gaaray Garoowe

Talaado, Maarso, 26, 2019 (HOL)- Wasiirka Qorsheynta, Maalgashiga iyo Horumarinta Dhaqaalaha Soomaaliya,Jamaal Maxamed Xasan iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa maanta soo gaaray magaalada xarunta ah ee Garoowe ,halkaas oo ay ku soo dhaweeyeen mas'uuliyiin ka tirsan Puntland.

Booqashada wafdiga ka socda dowladda federaalka ayaa la xiriirta sidii wada-tashi ku aaddan wareegga koowaad ee Qorshaha Horumairnta Qaranka ee sagaalaad loola yeelan lahaa hay’adaha  Puntland, ururrada bulshada rayidka ah, ganacsatada iyo laanta sharci dejinta.

Wasiiru dawlaha Wasaaradda Qorsheynta Puntland,Cabdiraxmaan Caydiid oo warbaahinta kula hadlay  qeybta  nasashada garoonka ayaa sheegay in maalmaha ay joogan wafdiga  uu hoggaaminayo Wasiirka Qorsheynta ay wadatashi iyo xog wareysi la yeelan doonaan Puntland iyo qeybaha kala duwan ee bulshada,  si loo adkeeyo hannaanka dowladnimmada Soomaaliya.

"Socdaalkeena waxuu ku saabsan yahay siddii loo xoojin lahaa wada shaqeynta dowladda dhexe iyo Puntland, iyo wadatashi inaa ka sameyno Qorshaha horumarinta Qaranka ee Sagaalaad oo qoraalkiisa koowaad bilowday siddii Puntland qeyb-tooda ay ugu geysan lahaayeen, waxyaabaha aan doonayno waa inaan ka wada hadalno arrimaha aan soo sheegnay, waana boggaadinayaa shaqada wanaagsan ee  ay qabteen". ayuu yiri wasiirka qorsheynta qorsheynta Jamaal Maxamed.

Waxaa lagu wadaa in maalinta berri ah magaaladda Garoowe lagu daahfuro wada-tashigga Qorshaha horumarinta Qaranka ee sagaalaad, kaasi oo saldhig u ah geeddi socodka deyn cafiska Soomaaliya iyo yarenta saboolnimada.

Iman Mohamed Jama, Hiiraan Online
[email protected]