4/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, Mar 26, 2019
Ahmed Iman oo loo maleynayo in duqeyn lagu dilay

 

Talaado, Maarso, 26, 2019 (HOL)- Ahmed Iman Ali oo ah muwaadin u dhashay dalka Kenya laakiin ka mid ahaa hoggaamiyayaasha sar sare ee Al-shabaab ayaa la tuhusan yahay in uu ka mid noqday xubno ka tirsan Ururka Al-shabaab oo lagu dilay duqeyn ka dhacday gobolka Jubbada dhexe.

Wararku waxaa ay sheegayaan in hoggaamiyahan oo ahaa maskaxdii danbeysay weerarkii lagu laayay ciidamada Kenya sanadkii 2016 kadib markii la weeraray saldhiggii ay ku lahaayeen degmada Ceel-Waaq ayaa warar soo baxaya sheegayaan in lagu dilay qeyn 22kii bishan ka dhacday degmada Bu’aale.

Hoggaamiyahan oo ku howlgali jiray magaca Abuu Zubeyr ayaa ahaa Injineer ka soo qalinjebiyay Jaamacada Jomo Kenyatta Universitry qeybta Beeraha, waxaana lagu daray liiska argagaxisada caalamka laga doondoonayo sanadkii 2012.

Mar ayaa la sheegay in uu isaga goostay Ururka Al-shabaab isaga oo naftiisa kala baxsanaya kadib markii ay isku dhaceen, laakiin wixii xiligaa ka danbeeyay lama ogeyn halka uu ku sugan yahay.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]