Ra'iisul wasaare sheegay in uu carqaladayn kala kulmay diyaaradaha dagaalka ee Turkiga
Talaado, Maarso, 26, 2019 (HOL)- Ra'iisul wasaaraha Giriigga ayaa sheegay in
isaga oo diyaaraddiisa saaran oo u dabaal dagaya maalinta xoriyadda uu
"carqaladayn kala kulmay" diyaaradaha dagaalka ee Turkiga.
Alexis Tsipras ayaa sheegay in diyaaraddiisa lagu qasbay "in ay
xidaaraysato" ka dib markii diyaaradaha dagaalka ee Turkigu ay Isniintii
galeen hawada Giriigga.
Ra'iisulwasaaraha ayaa Turkiga ku eedeeyay "ficil axmuqnimo ah oo aan
macno ku fadhiyin".
Laamaha ammaanka ee Turkiga ayaa diiday eedaymaha loo soo jeediyay, waxayna
sheegeen in diyaaradaha dagaalku ay samaynayeen hawlgal joogto ah.
"Milatariga Giriigga ayaa qabtay ciidammadii ku soo xad gudbay
hawada," ayuu yiri Alexis oo hadal ka jeedinaya jasiiradda yar ee
Agathonisi oo ku taalla meel aan sidaa uga fogayn dhulwaynaha Turkiga.
Maalintan qaran ayaa loo dabaal dagaa sidii ciidammada Giriiggu ay ula
dagaallameen dawladdii Cusmaaniyiinta sannadkii 1821.
Ra'iisulwasaaraha ayaa iswaydiiyay waxa diyaaradaha turkigu ay damacsanaayeen.
Alexis ayaana intaas ku sii daray in ay ka go'antahay in uu la shaqeeyo
Turkiga balse Giriiggu uu mar kaste difaaci doono sumcadda qaranka, Dawladda Turkiga ayaa diiday eedaymaha loo soo jeediyay.
Wakaaladda wararka ee Anadolu ee dawladda Turkigu maalgaliso ayaa soo
xigatay masuuliyiin sheegaya in "diyaaraduhu ay ku jireen hawlgal ay si
joogto ah u sameeyaan".
Calaaqaadka labadan dal ayaan xumaa tobannaan sano waxayna isku hayaan dhul.
Balse Alexis iyo madaxweyne Erdogan ayaa sameeyay dadaal ay ku doonayeen in
ay ku hagaajiyaan calaaqaadka sannadkii 2017, Erdogan ayaana noqday
hoggaamiyihii u horreeyay ee Turki ah ee Giriigga booqda muddo 65 sano ah.
Xigashada BBC