4/27/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, Mar 26, 2019
Wararkii ugu danbeeyay dil xalay ka dhacay magaalada Muqdisho

 

Talaado, Maarso, 26, 2019 (HOL)- Rag bastoolado ku hubeysan ayaa xalay weerar ku qaaday sarkaal ka tirsan ciidamada dowladda Soomaaliya iyo qof kale oo rayid ah oo la socday degmada Kaaraan ee gobolka Banaadir.

Wararkii ugu danbeeyay ee soo baxaya ayaa sheegaya in rag weerarka geystay toos u bartilmaameesadeen sarkaalka oo magaciisa lagu soo kooban Caddaan kaa oo dhaawacyo soo gaaray markii danbe u geeriyooday, sidoo kale ragga weerarka geystay ayaa dilay qofkii la socday sarkaalka.

Kooxda weerarka geystay oo la sheegay in ay la socdeen gaari yar ayaan la qaban, waxaana tagay halka uu falku ka dhacay ciidamo ka tirsan kuwa dowladda Soomaaliya.

Weerarrada qorsheysan iyo qaraxyada ayaa u muuqda kuwo ku soo badanaya magaalada Muqdisho, iyadoo labo maalmood ka hor ayaa weerar lagu qaaday mid ka mid ah xarumaha wasaaradaha dowlada federalka lagu dilay in ka badan Toban ruux oo uu ka mid ahaa Wasiir kuxigeenka Wasaarada Shaqada iyo Arrimaha Bulshada.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]