4/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, Mar 26, 2019
Wafdi ka dowladda Soomaaliya oo maanta ku sii jeeda magaalada Dhuusa-Mareeb

 

Talaado, Maarso, 26, 2019 (HOL)- Wafdigan la filayo in ay maanta u anbabaxaan magaalada Dhuusa-mareeb ee gobolka Galguduud ayaa waxaa hoggaaminaya Wasiirka arrimaha gudaha xukuumadda Soomaaliya Cabdi Maxamed Sabriye.

bewsinside Waxaa sidoo kale wafdigan qeyb ka noqonaya xubno ka tirsan labada Aqal ee dowladda oo la filayo in ay halkaa kulamo kula qaataan madaxda ugu sareysa maamul gobolleedka Galmudug.

Madaxweyne Axmed Ducaale Geelle Xaaf ayaa dib u dhigay safar uu shalay ku tagi lahaa degmada Gaalkacyo sababo la xiriira wafdiga dowladda ee ku wajahan degmada Dhuusa-Mareeb ee xarunta u ah maamulka Galmudug.

Warar soo baxaya ayaa sheegaya in wafdigan hor dhac u noqonayaan dadaallo la doonayo in leysugu soo dhaweeyo dowladda dhexe iyo maamulka Galmudug oo muddo dheerba kala taagnaa.

Maalintii shalay waxaa magaalada Muqdisho oo gaaray madaxweynaha maamulka Jubbaland Axmed Madoobe oo ka mid ahaa hoggaamiyayaashii Isbaheysiga maamul gobolleedyada ee sida weyn uga soo horjeeday dowladda Soomaaliya.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]