4/27/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, Mar 21, 2019
Qarax goor dhaw ka dhacay isgoyska KM4

 

Khamiis, Maarso, 21, 2019 (HOL)- Qaraxan oo ahaa nooca lagu rakibo gaadiidka ayaa goor dhaw ka dhacay Isgoyska KM4, iyadoo uu ku dhintay gaariga qof magaciisa lagu sheegay Eng Maxamed Abdi Karie.

Goobta uu gaariga lagu qarxay ayaa waxaa waqtigaa ku sugnaa Gabdho goobta ku iibinayay Qaad, kuwaa oo  isaga cararay kaddib markii ay meel fog ka arkeen gaariga oo qeyb ka mid ah gubanaya, gaariga ayaa gabi ahaanba goobta ku basbeelay.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online

[email protected]