Mareykanka : Waa in la baaraa ruqsadda duullimaadka diyaaradaha Boeing 737 Max la siiyey
Khamiis, Maarso, 21,
2019 (HOL)- Dowladda Mareykanka ayaa
amar ku bixisay in dib loo eego ruqsadda duullimaadka diaayaradaha Boeing 737
Max 8 sida ay ku heleen.
Go'aanka Mareykanka ayaa imanaya xilli ay 5
bilood gudahood laba diyaaradood oo nooca 737 Max 8 ay burbureen, iyada oo ay
khubarada ku xeel dheer arrimaha duullimaadyada diyaaradaha ay sheegayaan iney
labada shil waxyaaba badan ay isaga egyihiin.
Wasiiradda gaadiidka Mareykanka Elaine Chao ayaa
dambi baaraha guud ee Mareykanka ka dalbatay iney baaritaan ku sameeyaan sida
loo bixiyey ruqsadda duullimaadka diyaaradahan.
"Baarayaashana loo baahan yahay iney aad u
baaraan habka uu u shaqeeyo duulista diyaaradda iyaga oo ka duulaya hadalka
shirkadda Boeing ka soo yeeray ee ahaa cusbooneysiin ayuu u baahan yahay nidaamka
duulista diyaaradaha noocan ah.
Farriin qoraal ah oo wasiiradda Ms Chao u dirtay
dambi baaraha guud Calvin Scoval waxay ku sheegtay iney dooneyso in wakaaladda
duulimaadyada Federaalka ay ruqsadda duullimaadka diyaaradahaasi waddadii saxda
ah ay u mareen in loo soo xaqiijiyo.
Marki ay toddobaadkii hore burburtay diyaarad ay
lahayd shirkadda diyaaradaha Itoobiya, bishi October ee kal horana ay sida oo
kale burburtay diyaarad ay lahayd shirkadda Lion Air, waxay su'aal ka dhalatay
sababata ay wakhti dheer ugu qaadatay in diyaaradaha 737 Max duullimaadyada
laga joojiyo.
Sida oo kale Europe iyo Canada waxay sheegeen iney u baahan yihiin iney
ogaadaan badqabka diyaaradahaasi iyo in la adeegsan karo, iyada oo caalamka oo
dhan ay ka imanayaan su'aala noocaasi oo diyaaradda la xidhiidha.
Wakaaladda Ammaanka Duullimaadyada diyaaradaha ee
Yurub EASA waxay ballan qaadday iney dib u eegeyso wixi laga beddeli karo
naqshadaha diyaaradaha.
"Waxayna sheegeen iney diyaaradaha 737 MAx 8
duullimaad u oggolaan doonin ilaa ay su'aalahooda jawaab waafi ah uga helaan
dhanka shirkadda Boeing" ayuu yiri madaxa EASA Patrick Ky oo la hadlayey
guddiga baarlamaanka Yurub.
Laba shil ee diyaaradeed oo dhacay waxaa ku
dhimatay 346 qof, iyada oo aan ilaa iyo hadda caddeymo shilalkaasi waxa sababay
muujinaya la helin, iyada oo ay khubarada Faransiiska ee baartay sanduuqa
madoow ee xogta diyaaradda burbrutay ee Itoobiya laga helay ay muujineyso
labada shil ee diyaaradaha ku dhacay iney wax badan isaga eg yihiin.
Shirkadda Boeing waxay sheegtay iney si buuxda
ugala shaqeyneyso baaritaannada ay sameeynayaan baarayaasha ka socda dambi
baaraha guud ee qaranka.
Xigasho BBC