4/24/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, Mar 17, 2019
Ismaaciil Cumar Geelle ; Waxa leydiin doortay waa in aad ka shaqeysaan danta umadda

 

Axad, Maarso, 17, 2019 (HOL)- Madaxweynaha dalka Jabuuti oo maalintii labaad ku sugan magaalada Muqdisho ayaa khudbad u jeediyay xildhibaannada Labada Aqal ee Soomaaliya kaddib kulan ka dhacay xarunta Dugsiga Tababarka Jen Kaahiye.

Madaxweyne Gaalle ayaa sheegay in uu aad ugu faraxsan yahay markii ugu horeysay in uu hadal u jeediyo baarlamaanka Soomaaliya oo wada jira isaga oo kula dardaarmay mar walba in ay ka shaqeeyaan danta guud ee umadda oo ah ayuu yiri sababta leydiin soo doortay.

‘’Sababta leyd doorto ma’aha in aad qurux badan tihiin, ma’aha in aad dadka ka aqoon badan tihiin, ma’aha in aan lacag bixiseen, laakiin waa aad ka shaeysaan danta dadkii idin soo wakiishay ee idinku aamininay in aad Qaranka u matashaan’’ ayuu yiri Ismaaciil Cumar Geelle.

Waxa uu sheegay in dhulka Soomaaliyeed uu eebe ku maneystay Kheyraad balse dadka Soomaaliyeed aysan ogeyn taas oo keentay in mudada dheer lagu soo jiro jahwareer colaadeed.

‘’Waa in aad ka fikirtaan nolasha dadka barakacayaasha ah, waa in aad ka fikirtaan sidii hantida dowladda dib loogu soo celin lahaa, waa in aad ka fikirtaan sidii Qarankani u hormari lahaa’’ ayuu khudbadiisa sheegay madaxweynaha Jabuuti.

Guddoonka Labada Aqal ayuu uga mahad celiyay in ka aqbaleen dalabkiisii ahaa in uu la kulmo xildhibaannada labada gole oo wada jir.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]