3/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, Mar 17, 2019
Toddobaad kaddib dadkii ku dhintay diyaaraddii Ethiopian Airlines oo loo baroordiiqayo

 

Axad, Maarso, 17, 2019 (HOL)- Shirkadda Ethiopian Airlines ayaa baco ay ka buuxaan ciid laga soo qaaday halkii ay ku burburtay diyaaraddii Boeing 737 Max siiyay qaraabada 157-dii qof ee ku dhintay shilkaasi.

Kulan baroordiiq ah ayaana maanta lagu wadaa in lagu qabto magaalada Addis Ababa. Qoysaska ayaa sidoo kale loo sheegay inay qaadan karto muddo lix bilood ah in la kala garto meydadka dadkii ku dhintay shilkaasi.

Wasiirka gaadiidka dalka Ethiopia ayaa sheegay inay baarayaashu ku qaadaneyso waqti ogaanshaha waxa sababay burburka diyaaradda.

Magaalada Nairobi ayaa sidoo kale lagu wadaa in lagu qabto kulan loogu baroordiiqayo dadkii ku dhintay diyaaraddii toddobaad kahor maanta oo kale ku burburtay dalka Itoobiya. Kulankan oo ay si wada jir ah usoo qaban qaabiyeen safaaradda Itoobiya iyo wasaaradda arrimaha dibadda ee Kenya ayaa waxaa ka soo qaybgali doona xubno ka socda dhammaan safaaradaha iyo qunsuliydaha Kenya ku yaalla.

Diyaaraddan laga leeyahay dalka Itoobiya ayaa Axaddii la soo dhaafay ku burburtay magaalada Bishoftu oo 60km u jirta caasimadda Itoobiya ee Addis Ababa, waxaana ku dhintay dhammaan dadkii saarnaa.

Diyaaradda oo ahayd nooca Boeing 737 ahna nooca rakaabka qaada ayaa burburtay xilli ay ku wajahneyd magaalada Nairobi.

Sida ay sheegen mas`uuliyiinta shirkadda Ethiopian Airlines, diyaaraddan ayaa la rumaysan yahay in ay saarnaayeen 149 rakaab ah iyo sideed kamid ah shaqaalaha diyaaradda.

Xigasho BBC 













Click here
3/17/2019 3:14 PM EST
Axad, Maarso, 17, 2019 (HOL)-Wasaarradda Gaashaandhigga Soomaaliya ayaa ka hadashay Cabashada Ciidanka xoogga dalka Soomaaliyeed ee ah in aysan qaadan Mushaar Muddo Afar Bilood ah, islamarkaana ay iskaga baxeen deegaanno ka tirsan gobolka Shabeellaha hoose.

3/17/2019 10:42 AM EST
Axad, Maarso, 17, 2019 (HOL)- Madaxweynaha dalka Jabuuti,Ismaaciil Cumar Geelle ayaa soo gabagabeeyay booqashadii labada maalmood ahayd ee uu ku yimid magaalada Muqdisho kaddib martiqaad uu ka helay Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo.

3/17/2019 9:19 AM EST
Axad, Maarso, 17, 2019 (HOL)- Madaxweynaha dalka Jabuuti oo maalintii labaad ku sugan magaalada Muqdisho ayaa khudbad u jeediyay xildhibaannada Labada Aqal ee Soomaaliya kaddib kulan ka dhacay xarunta Dugsiga Tababarka Jen Kaahiye.

3/17/2019 6:52 AM EST
Axad, Maarso, 17, 2019 (HOL)- Madaxweynaha Jabuuti Ismaaciil Cumar Geelle iyo madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo oo ayaa maanta wadajir xariga uga jaray dhismaha Safaaradda Jabuuti ee Soomaaliya.

3/17/2019 4:44 AM EST
Axad, Maarso, 17, 2019 (HOL)- Wararka naga soo gaaraya degmada Cadalle ee gobolka Shabeellaha Dhexe ayaa sheegaya in uu halkaa ka soconaya dagaal culus oo u dhaxeeya labo maleeshiyo beelleed.

3/17/2019 1:33 AM EST
Axad, Maarso, 17, 2019 (HOL)- Madaxweynaha dalka Jabuuti ayaa lagu wadaa in uu maanta Khudbad u jeediyo Golaha Aqalka Sare ee Soomaaliya oo goor dhaw kulan aan caadi aheyn ku yeelanaya magaalada Muqdisho.

3/17/2019 1:16 AM EST
Axad, Maarso, 17, 2019 (HOL)- Magaalada Muqdisho ayaan maalintii labaad la ogoleyn dhaqdhaqaaqa guud ahaanba gaadiidka dadweynaha marka laga soo tago gaadiidka dagaalka ciidamada iyo kuwa mas’uuliyiinta dowladda.

3/17/2019 12:49 AM EST
Axad, Maarso, 17, 2019 (HOL)- Wararka ka imanaya gobolka Shabeellaha hoose ayaa sheegaya in howlgal ay sameeyeen ciidmaada dowladda Soomaaliya lagu dilay sarkaal sare oo lagu magacaabi jiray Ibraahim Garguduud oo ka tirsanaa Ururka Al-shabaab.

3/17/2019 12:46 AM EST
Axad, Maarso, 17, 2019 (HOL)- Madaxweynaha dalka Jabuuti oo maalintii shalay soo gaaray magaalada Muqdisho ayaa xalay ka qeybgalay munaasabad casho sharaf ah oo loogu sameeyay madaxtooyada Soomaaliya.