4/23/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, Mar 17, 2019
Magaalada Muqdisho oo maalintii labaad xiran iyo dadka oo u lugeynaya goobahooda ganacsi iyo waxbarasho

 

Axad, Maarso, 17, 2019 (HOL)- Magaalada Muqdisho ayaan maalintii labaad la ogoleyn dhaqdhaqaaqa guud ahaanba gaadiidka dadweynaha marka laga soo tago gaadiidka dagaalka ciidamada iyo kuwa mas’uuliyiinta dowladda.

Ciidamo ka tirsan kuwa Nabad-galyada ayaa ku sugan Wadooyinka ee magaalada, iyadoo lagu wado maanta in madaxweynaha Jabuuti oo maalintii shalay soo gaaray magaalada Muqdisho uu booqdo xarumo kala duwan oo ay ka mid tahay xarunta Golaha Aqalka Sare ee Soomaaaliya.

Dadka ayaa la arkayaa iyaga oo lugeynaya islamarkaana su’aalo badan iska weydiinaya xirnaashaha magaaalada ee maalintii labaad, waxaana arintan cabasho weyn ka keenay dadka ku shaqeysata gaadiidka dadweynaha oo dowladda ka dalabanaya in wax laga badalo habka sugida amniga wafuud imanaya magaalada.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]