4/17/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, Mar 17, 2019
Sarkaal ka tirsanaa Ururka Al-shabaaab oo lagu dilay gobolka Shabeellaha Hoose

 

Axad, Maarso, 17, 2019 (HOL)- Wararka ka imanaya gobolka Shabeellaha hoose ayaa sheegaya in howlgal ay sameeyeen ciidmaada dowladda Soomaaliya lagu dilay sarkaal sare oo lagu magacaabi jiray Ibraahim Garguduud oo ka tirsanaa Ururka Al-shabaab.

Guddoomiye ku xigeenka Gobolka Shabeellaha Hoose Cabdi Fitax Xaaji Cabdulle ayaa warbaahinta u sheegay in sarkaalkan sidoo kale lala dilay qaar ka mid ah xoogaggii uu hoggaaminayay kaddib iska horimaad culus oo ay la galeen ciidamada dowladda Soomaaliya.

Ma jiro wax war ah oo ka soo baxay dhinaca Al-shabaab oo la xirira sheegashada mas’uuliyiinta maamulka gobolka Shabeellaha hoose.

Gobolka Shabeellaha hoose ayaa ka mid ah deegaannada ay ka dhacaan dagaallada ugu badan iyo weerarrada duqeymaha ah ee lagu beegsado Ururka Al-shabaab.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]