4/25/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, Mar 16, 2019
Sheekh Shaakir’’ Saddex sano kaddib ayeey dhici doontaa doorashada Galmudug

 

Sabti, Maarso, 16, 2019 (HOL) - Madaxa xukuumadda Galmudug Sheekh Maxamed Shaakir Cali Xassan ayaa maanta warbaahinta u sheegay sanadkan doorasho ka dhici doonin Galmudug, hasse ahaatee doorashada la qaban doono sida uu hadalka u dhigay saddex sano kaddib.

Sheekh Maxamed Shaakir oo la hadlay warbaahinta kaddib shir ay ku yeesheen golaha Wasiirradda Galmudug Dhuusa-mareeb ayaa sheegay in heshiiskii Maamulka Galmudug iyo Ahlu Sunna uu yahay bilowga maamul goboleedka Galmudug.

Madaxweynaha Galmudug Axmed Ducaale Geelle Xaaf oo ka qeybgalay shirka ayaa dhinac fadhiyay markii uu Madaxa Maamulka Galmudug ahna Madaxa Kooxda Ahlu Sunna uu ku dhowaaqay warkan.

“ Waqtiga maamulka Galmudug wuxuu ka bilaabanayaan wixii ka danbeeyay heshiiskii dhaxmaray Galmudug iyo Ahlusunna.”ayuu yiri Sheekh Axmed Shaakir.

Inkastoo toddobaadyadii ugu danbeeyay siweyn loo hadal hayay in la qabanayo doorashada Galmudug afar bilood kadib, ayaa waxaa muuqata in hoggaanka sare ee Galmudug u sameystay mudo kordhin.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]