4/18/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, Mar 16, 2019
Ciidanka dowladda oo garabsanaya ciidan Marekanka ah oo howlgallo ka fuliyay deegaanka Jilib-Marka

Sabti , Maarso, 16, 2019 (HOL)- Howlgal si wadajir ah ay u fuliyeen ciidanka dowladda Soomaaliya ee Danad iyo ciidan Marekan ah ayaa la sheegay in lagu dilay ugu yaraan 22 dagaallame oo ka tirsan al-Shabaab, sida laga soo xigtay saraakiisha.

Howlgalka ayay ciidanka ka fuliyeen deegaanka Jilib-Marka ee ku dhow magaalada xeebeedka Marka,iyadoo inta uu howlgalka socday ay ka qaybqaaateen diyaaradaha aan duuliyaha lahayn ee Droneska oo duqeyn ka geystay saldhigyo deegaanka ku yaalla.

Saraakiisha ayaa sheegay in ciidammada Kumaandoosta ah ee DANAB oo Marekanka uu tabbabaro inay gudaha u galeen deegaanka Jilib-Marka halkaa oo iskahorimaad uu ku dhex maray xooggaga hubeysan ee al-Shabaab.

Howlgalka inta uu socday waxaa ku geeryooday saraakiil ka tirsan al-Shabaab oo magacyadooda lagu sheegay Abuu Yaasiin Shiikh Maxamed oo al-Shabaab u qaabilsanaa Amniyaadka gobolka Shabeellada hoose iyo Maxamuud Abuu Xamza, sida u sheegay sarkaal ka tirsan ciidanka howlgalka fuliyay oo ay xigatay warbaahinta gudaha.

Ciidammada ayaa sidoo kale gacanta ku dhigey afar gaadiidka dagaalka ah oo ay lahaayeen al-Shabaab,sida uu sarkaalka sheegay,iyadoo howlgalkan uu qayb ka noqonayo howlgallo si joogto ah ay deegaannada koonfurta ku yaalla uga fulinayeen ciidanka dowladda iyo ciidammo Marekanka ah.

Iman Mohamed Jama, Hiiraan Online
[email protected]