4/25/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, Mar 16, 2019
Soomaaliya: Weerarkii New Zealand wuxuu ahaa fal argagixiso oo naxdin leh

Sabti , Maarso, 16, 2019 (HOL)-  Dowladda Soomaaliya ayaa weerarradii ka dhacay labo masjid oo ku yaalla magaalada Christchurch ee dalka New Zealand ku tilmaamtay fal argagixiso oo naxdin leh,iyadoo warsxaafadeed ka soo baxay xukuumadda Soomaaliya loogu baaqay New Zealand inay sameyso baaritaanno la xiriira weerarrada.

"Xukuumadda  Federaalka ee Soomaaliya ayaa si adag u cambaaraynaysaa weerarka argagaxiso ee bahalnimada leh ee lagu qaaday dad Muslimiin ah oo ku tukanayay Salaadda Jumcaha Masaajidda Al nuur iyo  Lindwood ee magaalada Christchurch ee dalka NewZealand, oo lagu dilay ugu yaraan 49 ruux, laguna dhaawacay dad badan 20 ruux, oo ay ku jireen caruur iyo dad da’ ah, fal dambiyeedkani naxdinta leh waxa uu ka qeyb yahay naceybka, mayal adeegga iyo islaam naceybka." ayaa lagu yiri warsaxaafadeedka ay baahisay wasaaradda arrimaha dibadda Soomaaliya.

Dowladda Soomaaliya waxaa ay sheegtay inay garab taagan tahay Xukuumadda iyo Shacabka New Zealand, sidoo kale waxaa tacsi ay u dirtay qoysaska dhibanayaasha muslimiinta, iyadoo u rajaysay kuwa dhaawaca ah bogsasho iyo caafimaad degdeg ah.

"Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya waxa ay ugu baaqaysaa Xukuumadda New Zealand inay samayso baaritaan guud oo ku qotoma falkani argagaxisada ee naxdinta leh, oo loo arko fal dambiyeed fuleynimo oo xun, una baahan mowqif islaami iyo mid dunida oo dhan oo mideysan oo looga hortago dhammaan howlaha argagaxiso iyo xagjirnimada halista leh." ayaa lagu yiri gabagabada warsaxaafadeedka.

Iman Mohamed Jama, Hiiraan Online
[email protected]