4/19/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Jimco, Mar 15, 2019
Xisbiga Daldhis oo wacyigalin u sameeyay dhalinyarada magaalada Beledweyne

 

Jimco, Maarso, 14, 2019 (HOL) – Dhalinyarada ku dhaqan magaalada Beledweyne ee xarunta gobolka Hiiraan ayaa hada u muuqda kuwo isku abaabulaya in ay ka qeyb-qaataan nidaamka Xisbiyada ee la doonayo in looga guuro wax ku qeybsiga Qabiilka muddo dheer dalka lagu soo maamulayay.

Xisbiga Dhildhis ayaa labadii cisho ee la soo dhaafay magaalada Beledweyne ka waday kulamo wacyi-galin ah oo loo qabtay dhalinyarada gaar ahaan kuwa wax bartay ee ka baxay ama wali dhiganaya Dugsiyada iyo Jaamacaddaha , si dhalinyaradu qeyb uga qaataan dib u dhiska dalka iyo isbadalka siyaasadeed ee la doonayo in uu dalku galo.

Dhalinayaradan oo Wiil iyo Gabadho intaba lahaa ayaa dhinaca kale xisbiga la wadaagayay su’aalo iyo dooddo la xiriira wacyiga uu dalku marayo iyo muhiimada ay u leeyihiin dalka Asxaabta siyaasadda, iyaga oo ku salenaya su’aalahooda iyo waliba dooddaha ay qabaan marxalada uu dalku marayo.

Guddoomiyaha Xisbiga Daldhis Cabdiraxmaan Xusseen Cadow oo inta badan su’aalaha uga jawaabayay dhalinyarada ayaa sheegay in Xisbiyadu midey-nayaan bulshada inta isku afgaarta iyo fikirka ah, iyadoo aan loo eegin heybta uu shaqsiga ka soo jeedo.

‘’ Qofka in uu Qabiilkiisa ku xirnaado daruuf ayaa keentay, waayo wax kasta uu u baahan yahay hadda waa in uu daba-fariisto beeshiisa xitaa haddii uu yahay qof wax bartay, maxaa yeelay awood qeybsiga ayaaba ku dhisan 4.5 oo ah Qabiil,  qabiilka dhaxdiisa ayaaba laga yabaa in leysku dulmo, hasse ahaatee xisbiyadu waa ay ka duwan yihiin maxaa yeelay dadka waxa ay ku midoobayaan oo  isku keenaya waa afkaar iyo aragti wax dhiseysa oo aan ku xirneyn habeynta uu qofku ka soo jeedo iyo Rag iyo Dumar qofka uu yahay’’ ayuu yiri Cabdiraxmaan Xusseen Cadoow.

Waxaa uu ku booriyay in ay qeyb ka noqdaan Xisbiga isa soo diiwaan-galiyaan, madaama la joogo waqtgii ay dhalinyaradu door ku yeelan lahaayeen siyaasadda iyo guud ahaanba dib u dhiska dalka.

‘’Qof kasta kaalin ayuu ku leeyahay dib u dhiska dalka iyo Qarannimada, gaar ahaan dhalinyarada oo ah inta ugu badan bulshada’’ ayuu hadalkiisa sii raaciyay.

Dhalinyaradii kulamada ka qeybgashay ayaa sheegay in ay soo dhaweynayaan markii ugu horeysay in magaalada Beledweyne laga furo xafiis xisbi Siyaasadeed [Daldhis] iyaga oo intaa ku daray in ololaha looga qeyb-qaadanayo siyaasadda dalka iyo ku biiirista Xisbiga ka bilaabi doonaan goobaha waxbarashada iyo xarumaha ay dadku ku kulamaan, madaama isbadal uu dalku sameeyo ay ku xiran tahay in laga gudbo nidaamka qabiilka oo ay dhalinyaradu u arkeen mid aan u wanaagsaneyn bulshada.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]