4/17/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Jimco, Mar 15, 2019
Ra'iisul wasaare Khayre oo ku soo laabtay Muqdisho

Jimco, Maarso, 15, 2019 (HOL)-  Ra'iisul wasaaraha Soomaaliya, Xasan Cali Khayre ayaa maanta dib ugu soo laabtay caasimadda Muqdisho,kaddib booqasho uu horraantii toddobaadkan ku tagay magaalada Kismaayo.

Ra'iisul wasaare Khayre, ayaa booqashada uu ku tagay Kismaayo, waxaa ku waheliyay wafdi wasiirro iyo mas'uuliyiin kale oo ka tirsan dowladda federaalka, waxaana muddadii uu halkaa ku sugnaa uu kulamo la qaatay mas’uuliyiinta ugu sarreeysa maamulka Jubbaland, Saraakiisha Ciidammada, Duubabka dhaqanka iyo Bulshada qeybaheeda kala duwan.

Inta ay socdeen kullamada waxaa la sheegay in lagu dhammeeyay mad-madoowgii iyo kala aragti duwanaanshihii ka dhex jiray madaxda dowladda federaalka  iyo dowlad-gobolleedka Jubbaland,sida ay ku warrantay wakaaladda wararka ee SONNA.

Iman Mohamed Jama, Hiiraan Online
[email protected]