4/20/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Jimco, Mar 15, 2019
Raysul wasaare Khayre oo faahfaahiyay kulamadii uu la qaatay madaxda Jubbaland

Jicmo, Maarso, 15, 2019 (HOL) –Mudane Xasan Cali Khayre, Raysul wasaaraha Jamhuuiyradda federaalka Soomaaliya oo mudooyinkii u danbeeyay ku sugnaa magaalada Kismaayo ayaa xalay xaflad sagootin ah loogu sameeyay magaalada, ayadoo munaasbaddaasi ay kasoo qeybgaleen madaxda ka tirsan dowladda dhexe, dowlad goboleedyada Jubbaland iyo qeybaha bulshada ku dhaqan magaalada Kismaayo.

Raysul wasaare Khayre oo khudbad ka jeediyay munaasbadda sagootinta ayaa ugu horeyn uga mahadceliyay shacabka reer Jubbaland soo dhaweyntii ay ugu sameeyeen Kismaayo.

Mudane Khayre ayaa sheegay in mudadii uu ku sugnaa Kismaayo, isaga, wasirradii la socday iyo taliyeyaashii ciidamada dalkaba ay kulamo la qaateen Madaxweynaha Jubbaland, kuxigeennadiisa, xubnaha labada gole ee Jubbaland iyo taliyeyaasha ciidamada, isagoo xusay in dhammaan kulamadaasi diiradda lagu saarayay sidii dib loogu ambaqaadi lahaa wadashaqeyntii ka dhexeeysay dowladda dhexe iyo dowlad goboleedka Jubbaland.

Raysul wasaaraha ayaa sheegay in odoyaasha dhaqanka, ganacsatada, dhalinyarada iyo madaxdii Jubbaland ee uu la kulmay ay ka wada hadleen arimo kala duwan oo ay kamid tahay sidii loo xoojin lahaa wadashaqeyna dowladda dhexe iyo dowlad goboleedyada dalka, waxa uuna sheegay in uu sido dardaarankii bulshada.

“Sida uu sheegay Madaxweyne Axmed ama aad ka dareenteen hadalkiisii, malaha hore waad u taqaaneen, waad dareenteen in ay wax hagaageen, sida uu u sheegay inta dhimanna waan dhameystireeynaa, xamarna wuu noogu iman doonaa,” ayuu raysul wasaare Khayre hadalkiisii raaciyay.

Raysul wasaaraha ayaa xusay in bulshada Soomaaliyeed ay xilligan daneeynayaan in laga gudbo khilaaf iyo isqabqabsi, isagoo yiri; “In la is qabqabsado waa qeyb kamid ah dowladnimada, sababtoo ah isbadalka isqabqabsiga waa in lakala tago.”

Mudane Khayre ayaa sheegay in loo baahanyahay in la adkeeyo xargaha dadka isku haya si loo xoojiyo dowladnimada.

“Waa in uu jiraa nidaam dagsan oo cadeeynaya, waa maxay dastuurka aan rabno in aan yeelanno mustaqbalka, waa maxay awood qeybsiga ka dhaxeeya dowlad goboleedyada iyo dowladda federaalka, waa maxay kheyraad qeybsiga ka dhexeeya, waa maxay shaqooyinka ay kala leeyihiin, waa maxay sharciga mustaqbalka doorashooyinka dalka xaddidi doona, waa maxay maqaamyada ay kala yeelanayaan magalooyinka waaweyn ee dalka, sidee baa dunida loola dhaqmayaa, siyaasad noocee ah ayaan rabnaa in aan ku shaqeeyno 100-ka sano ee soo socota, su’aalhaas waa weyn ayaa na hortaagan.”

Mar uu ka hadlayay sida xal lagu gaari karo ayuu Raysul wasaaruhu yiri;
“Waxaan idiin sheegayaa Sida idinkuba aad ugu baraarugsantihiin, in dawada keliya ee umadda Soomaaliyeed ay leedahay, in dawada keliya ee xalka lagu gaari karo ay tahay in aan kuligeenna oogno Soomaalinimada, taas ayaan ku shaqeeyneeynaa, waxaan rabnaa in aan hortiinnna ka ballan qaadno midnimada umadda Soomaaliyeed in laga shaqeeyo muqadas tahay in ay qalbigeenna ku taallo.”

Mudane Xasan Cali Khayre ayaa lagu wadaa in uu maanta dib ugu laabto magaalada Muqdisho ee caasimadda dalka, ayadoo la filayo in dhawaan uu Muqdisho gaaro Madaxweynaha Jubbaland si loo dhameystiri wadahadallada lagu xallinayo khilaafka dowlad dhexe iyo dowlad goboleedyada ee ka bilowday Kismaayo.

Xasan Nuur, Hiiraan Online
[email protected]
Kismaayo-Soomaaliya.