4/25/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, Mar 14, 2019
Dad lagu dilay weerar lagu qaaday Masjid ku yaala New Zealand

 

Khamiis, Maarso, 14, 2019 (HOL)- Qof hubaysan ayaa goor dhaw weerar ku qaaday Masjid ku yaala magaalada Christchurch ee dalka New Zealand.

Goobjoogayal ayaa warbaahinta u sheegay in ay dad dhinteen. Booliiska ayaa dadka uga digay aagaas, waxaana la isku gadaamay oo ilaalo la geeyay iskuullada iyo isbitaallada.

Muuqaal aan la xaqiijinin saxnimadiisa ayaa soo baxay, muuqaalkaasina wuxuu tilmaamaya ninka weerarka gaystay oo isduubaya isaga oo rasaas furaya.

Mohan Ibrahim oo ku sugnaa dhulka masjidka ayaa warbaahinta Herald ee dalka New Zealand u sheegay "in markii hore ay u qaateen in shanqartu ay koronto tahay, balse dadkii ayaa billaabay in ay kala yaacaan.

"Saaxiibbaday ayaan wacayay balse waxaa jira kuwo aanaan wali is maqlin. Nolosha saaxiibbaday ayaan u baqayaa."

Herald ayaa ku warramaya in qofka weerarka gaystay loo malaynayo in uu Australia u dhashay, kaas oo qoray ujeedadiisa.

Wuxuu sheegay in uu taageerayo afkaarta midigta fog iyo in uu ka soo horjeedo soo galootiga.

Dhacdadan ayaa la sheegay in ay ka dhacday masaajidka Al Nuur oo ku yaalla bartamaha magaalada Christchurch.

Booliisku wali kuma aysan guuleysan in ay qabtaan shaqsigan la sheegay in uu weerarka ka geystay Masjidka  

Wixii warar ah ee ka soo kordha waan idin soo gudbin doonnaa…

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]