4/20/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, Mar 14, 2019
Arday dhamaysatay shahaadada koowaad Jaamacda Illays ee Laascaanood


Khamiis, Maarso, 14, 2019 (HOL)- Munaasibadan oo lagu qabtay hotel Casuura ayaa waxaa ka soo qayb galay dhamaan bahda aqoonyahanka, maamulka degmada, bahda aftahanka iyo qaybaha dadweynaha gobolka Sool.

60 arday oo dhamaystay waxbarashada heerka koowaad oo ah difcadii labaad ayaa xafladan loogu talagalay sida uu sheegay Gudoomiye ku xigeenka Jaamacada Illays Axmed Cali Xusseen oo intaas ku daray in jaamacada hadafkeedu yahay sidii loo soo saari lahaa dad dhisan oo isbedel keena.

"Jaamacada waa ta keliya ee inta aan ogahay lagu dhigo dhaqanka iyo luqadda Soomaaliga, waana Jaamacad laga aaqoonsan yahay America, bariga Afrika qaybo Yurub ah iyo guud ahaan degaanada Soomaalida" sidaana waxaa yidhi Cismaan Cabdinuur Xaashi Gudoomiyaha Golaha Hagidda Jaamacada Umadda Illays.

Gudoomiyaha degmada Laascaanood Cabdicasiis Xusseen Xassan oo halkaasi ka hadlay ayaa waxa uu sheegay in jaamacada wixii taagero ah ee ay awoodaan in ay isla garab taagayaan, waxaana uu u hanbalyeeyey ardayda dhamaysatay waxbarashada oo ka codsaday in ay sii wataan ee aanay halkaa ku deyn.

Ardayda Jaamacada dhamaystay waxaa goobta lagu xusay xoghayaha dawlada hoose ee degmada Laascaanood oo si aad ah ugu muuqdey xaflada.

Dalada waxbarashada Illays ayaa maamusha goobo waxbarasho oo tobaneeyo gaadhaya, waxaanay u qaybaha kala duwan ee waxbarashada hoose illaa ta sare.

Seynab Cabdi Warsame
[email protected]
Laascaanood G. Sool