4/23/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, Mar 14, 2019
Wasiirka hawlaha guud ee Somaliland oo gaadhigiisii ku qalibmay degmada Balli-mataan ee gobolka Hawd

 

Khamiis, Maarso, 14, 2019 (HOL)- Wasiirka Wasaaradda Hawlaha Guud iyo Guryeynta Somaliland Cabdirashiid Ducaale Qambi ayaa gaadhigiisa kula qalibmay duleedka degmadda Bali-mataan ee gobolka Hawd.

Wasiirka iyo xubnihii la socday way ka badbaadeen, cidina waxba kuma noqo marka laga reebo gaadhigiisii oo burbur weyni soo gaadhay oo halkii lagaga yimid.

Wasiirka hawlaha guud ayaa ku sii jeeday magaalada Balligubadle kana yimid gobolka Togdheer, waxaanay wararku sheegayaan in uu wasiirku shaqadiisii sii watay oo uu hawlihii uu socday uu hadda ku gudda jiro.

 

Wasiirki Qambi ayaa muddaba ku jiray tiro koobka hantidda dawladda, waxaanu soo wada maray dhamaan gobolada iyo degmooyinka, imika waxa uu ku socday magaalo madaxda gobolka Hawd ee Balligubadle oo koonfur kaga beegan magaaladda Hargeysa.

Barkhad-ladiif  M. Cumar, Hiiraan Online
[email protected]
Hargeysa, Somaliland.