4/20/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, Mar 14, 2019
Qarax gaari lagu soo xiray oo ka dhacay Wadada Maka Al-Mukarama magaalada Muqdisho

 

Khamiis, Maarso, 14, 2019 (HOL)- Qarax ka dhashay gaari Saaruf ah oo lagu soo xiray walxaha qarxa ayaa goor dhaw ka dhacay wadada Maka Al-Mukarama meel aan ka fogeyn Isgoyska Shaqaalaha.

Qaraxan oo laga maqlay qeybo badan oo ka mid ah magaalada ayaa la sheegin wax khasaare nafeed ah oo uu geystay, waxana markiiba goobta tagay ciidamo ka tirsan dowladda oo daqiiqado kooban hakad galiyay isku socodka dadka iyo gaadiidka goobta uu qaraxa ka dhacay.

Warar soo baxaya ayaa sheegaya in gaariga qarxay uu lahaa sarkaal ka tirsan hay’adda danbi-baarista dowladd Soomaaliya CID, lamana hayo faah faahin intaa dhaafsiisan.

Magaalada Muqdisho waxaa inta badan ka dhacay qaraxyada lagu soo xiro gaadiidka ay leeyihiin mas’uuliyiinta dowladda iyo dadka magaca leh oo ay gacanstadu ka mid yihiin.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]