9/19/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, Mar 14, 2019
Mareykanka oo ku biiray dalal mamnuucay isticmaaalka diyaarada Boeing 737 MAX

 

Khamiis, Maarso, 14, 2019 (HOL)- Madaxweynaha dalka Mareykanka Donald Trump ayaa Arbacadii shalay ku dhawaaqay in Mareykanku ku biiray dalalka mamnuucay isticmaalka diyaarada Boeing 737 MAX, kaddib burburkii diyaaradii Ethiopian Airlines oo ay ku dhinteen 157 ruux.

"Waxaan dooneynaa in aan soo saarno amar deg deg ah oo lagu mamnuucayo dhamaan duulimaadka diyaaradaha 737 MAX 8 iyo 737 MAX9," ayuu lagu sheegay qoraal Trump ka soo saaray Aqalka cad ee looga arimiyo dalka Mareykanka.

Wuxuu sheegay madaxweynaha dalka Mareykanka Trump in arintan ay quseyso nabad-galyada dadka Mareykanka oo ka qabaan walwal gaar ah marka ay timaado isticmaalka diyaaradaha shirkaddan ay farsameyso.

Wadamo ku yaala Qaarrada Yurub, Shiinaha iyo waliba dalal kale oo ay Canada ka mid tahay ayaa horay u joojiyay isticmaalka diyaaradahan, waxaa ay shirkadda Boeing ayaa ku dhowaaqday in ay dhulka dejineyso dhammaan diyaaradaha noocoodu yahay Boeing 737 MAX oo gaaraya 371 illaa amar dambe.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]