4/24/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, Mar 13, 2019
Soomaaliya oo Garoomadeeda ka mamnuucday Afar nooc oo diyaarada Antanov ah

 

Arbaco, Maarso, 13, 2019 (HOL)- Dowladda Soomaaliya ayaa markii ugu horeysay sheegtay in ay garoomadeeda ka mamnuucday in ay isticmaalaan diyaaradaha duqoobay ee lagu farsameeyo wadankii la oran jiray midowga Soofiyeeti.

War ka soo baxay hay’adda duulista Soomaaliya ayaa lagu sheegay in laga mamnuucay dalka diyaaradaha Antanov 24, Antanov 26, Antanov 32 iyo Antanov 12.

Dowladda ayaa u qabatay isticmaalka hawada Soomaaliya in ay soo gabagabeeyaa ilaa laga gaarayo 15ka bishan Maarso oo wixii ka danbeeya aan loo ogolaan doonin ay Soomaaliya ka sii shaqeeyaan.

Diyaaradan ayeey ku sheegtay dowladda Soomaaliya in aysan amaan aheyn, islamarkaana yihiin kuwo duq ah oo muddo dheer la soo isticmaalayay.

Toddobaadkan ayeey aheyd markii ay ku dhinteen 157 ruux diyaarada Ethiopian Airlines, oo lagu sheegay in ay aheyd diyaarad dhowr bilood oo kaliya shaqeyneysay oo cusub, waan tan keentay in dowladda shaki badan ka qaado diyaaradahan ay mamnuucday oo ah kuwo gaboobay oo muddo dheer la soo isticmaalayay.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]