4/25/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, Mar 12, 2019
Maxkamada Racfaanka oo u yeertay guddoomiyaha degmada Hodan ee gobolka Banaadir

 

Talaado, Maarso, 12, 2019 (HOL)- War Qoraal ah oo ka soo baxay guddoomiyaha maxkamada Racfaanka gobolka Banaadir ayaa maxkamada looga yeeray guddoomiyaha degmada Hodan.

Qoraalka ayaa lagu sheegay in guddoomiyaha loo heysto isticmaalka awooddo xad dhaaf ah iyo waliba ku xadgudubka sharafta Garsoorka dalka.

Cabdixakiin Dhagajuun ayeey maxkamada sheegtay in fara-galin toos ah uu ku sameeyay isaga awoodiisa guddoomye adeegsanaya kiisas hor yaalay maxkamada degmada Hodan.

Akhirso qoraalka ka soo baxay maxkamada Racfaanka :

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]