4/23/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, Mar 12, 2019
Siciid Deni: Soomaaliland waxay wadaa dhaq-dhaqaaq iyo duulaan horleh

Talaado, Maarso, 12, 2019 (HOL)- Madaxweynaha Puntland, Siciid Cabdullaahi Deni ayaa ka hadlay dhaq dhaqaaqyada cusub ee ciidanka Soomaaliland ay ku soo gaareen deegaanno ka tirsan gobolka Sanaag.

Siciid Deni,  wuxuu sheegay in Puntland ay si dhow ula socoto dhaqdhaqaaqa oo u ugu yeeray daandaansiga iyo duulaanka qaawan ee ay wado Soomaaliland.

"Maalmihii u dambeysay waxaa socday dhaq dhaqaaq iyo gardaro duulaan horleh oo maamulka Hargaysa uu isku dayayo in uu dhulka Puntland kusoo weerarro, runtii dulqaad badan ayay dadka reer Puntland muujiyeen marar badan oo hore iyadoo ay ixtiraamayaan deris wanaagga iyo wada nolaanshaha geyiga " ayuu yiri madaxweynaha Puntland oo inta ku daray "Waxaase nasiib darro in ay sii kordhaan dhaqdhaqaaqyada, waxaan runtii halkan uga jeedinayaa shacabka Puntland in ay sharaftooda iyo karaamadooda dhowraan ,deegaannada iyo dadkoodana Difaacaan ciddii isku dayda xadgub ay kala kulmi doonto waxa ay kasoo raadsatay Puntland".

Madaxweynaha Puntland ayaa hadalkan ka sheegay shirka Jihaynta siyaasadda xukuumadda Puntland ee maanta ka furmay magaalada Garoowe.

Iman Mohamed Jama, Hiiraan Online
[email protected]