4/19/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, Mar 12, 2019
Nin u dhashay dalka Gariiga oo 2 daqiiqo oo kaliya ka dib dhacay diyaaradii burburtay ee Ethiopian Airlines

 

Talaado, Maarso, 12, 2019 (HOL)-Nin Gariiga u dhashay ayaa noqday qofkii ugu nasiibka badnaa ee ka badbaaday diyaaradii burburtay ee Ethiopian Airlines kaddib markii uu ka soo dib dhacay 2 daqiiqo oo kaliya

Ninkan oo lagu magacaabo Antonis Mavropoulos ayaa sheegay in uu u sii jeeday qaar ka mid ah rakaabka oo diyaarada gudaha u sii galaya, laakiin nasiib darro ayuu yiri mar hore ayaaba la sii xiray qeybta laga galo garoonka, madaama uu ka soo dib dhicay waqtigii loogu talalgay.

Wuxuu kaloo sheegay in uu isku arko in uu yahay qof aad u nasiib badan kaddib markii uu maqlay warka ku saabsan in diyaaradii uu ka haray ay burburtay, isaga oo markii danbe soo raacay dulimaadkii xigay.

Waxaa uu ninkan madax ka yahay hay'ad lagu magacaabo International Solid Waste Association, waxana uu sheegay in markii koowaad uu ku xanaaqay shaqaalaha garoonka oo ka diiday in ay albaabka ka furaan xilli diyaaradda ay wali garoonka fadhiday.

Ninkan ayaa kusii jeeday magaalada Nairobi si uu uga qeybgalo shirweyne xagga deegaanka ah oo qabsoomayay,dad badan oo isla shirkaas u socday ayaa saarnaa duulimaadkaas, kuna baxay halkaas.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]