4/23/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, Mar 12, 2019
Al-Shabaab oo Afduub ka geystay gobolka Galguduud

 

Talaado, Maarso, 12, 2019 (HOL)- Ururka  Al-Shabaab ayaa Wiil iyo Aabbahii ka Af-duubtay  degaanka Gal-Qoryaale oo hoos taga degmada Guri-ceel ee Gobolka Gal-gaduud.

Labada nin ee ay Al-Shabaab Af-duubteen oo lagu kala magacaabo jiray,  Maxamed C/raxmaan Xersi iyo Aabbihii Cabdiraxmaan Xirsi Warsame, ayaa la  sheegayaa in ay maalmo ka hor weydiisteen xoolo iyo lagaco balse ay ka  biyo diideen.

Dadka deegaanka ayaa sheegay in labada nin Al-Shabaab  u kaxaysteen dhinaca deegaanka Ceel-Garas.

Saraakiisha Ciidamada xoogga dalka Soomaaliyeed iyo kuwa maamulka  Galmudug ayaa warbaahinta u sheegay u sheegay in ay halkaasi u  direen ciidamo ku howlan sidii Al-shabaab looga soo furan lahaa dadkaa ay afduubteen.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]