4/24/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, Mar 12, 2019
Dowladda Federaalka iyo maamulka Jubbaland oo hagaajinaya xiriirkoodii xumaaday

 

Talaado, Maarso, 12, 2019 (HOL)- Magaalada Kismaayo ee xarunta KMG u ah maamulka Jubbaland oo uu ka dhacay shirkii ugu danbeeyay ee madaxda dowlad gobolleedyada uga dhawaaqeen sanadkii hore in ay xiriirka u jareen dowladda dhexe, waxaa hadda ku sugan wafdi uu horkacayo ra’iisal wasaare Xassan Cali Kheyre.

Ra’iisal wasaaraha iyo madaxweynaha maamulka Jubbaland oo u muuqda kuwo isku faraxsan ayaa shalay meel fagaaro ah bartamaha magaalada Kismaayo waxaa ay kula hadleen boqolaal dadweyne ah oo isugu soo baxay soo dhaweynta ra’iisal wasaaraha, laakiin Kheyre oo khudbad kooban jeediyay ayeey hadalladiisu u badnaayeen mahad celin iyo kaftan.

Shalay ilaa xalay waxaa magaaladaa ka soconayay kulamo kala duwan oo ay yeelanayaan wafdiga dowladda ee uu horkacayo ra’iisal wasaare Kheyre iyo madaxda maamul gobolleedka Jubbaland gaar ahaan madaxweyne Axmed Madoobe.

Kheyre oo socodaalkiisa Kismaayo muddo dheerba la sii hadal hayay ayaa u muuqda in uu ka shaqeynayo dhameynta khilaafka u dhaxeeya dowladda iyo Jubbaland iyo waliba hagaajinta xiriirka labada dhinac.

Horay dowladda waxey ula heshiisay madaxweynaha maamulka Hirshabeelle Maxamed Cabdi Waare oo guddoomiye ku-xigeen ka ahaa Isbaheysigii maamul gobolleedyada.

Waxaa ay sidoo kale madaxdu halkaa uga wada hadlayaan doorashada ku soo foolka leh Jubbaland iyo waliba dagaalka ka dhanka ah Al-shabaab, iyadoo dhowr jeer oo hore deegaanno hoostaga Kismaayo weeerarro is daba joog ah ka fuliyeen xoogagga Al-shabaab.

Kheyre ayaa maalmaha soo socda ku sii sugnaan doona Kismaayo waxaana la filayaa in ugu danbeyntii war laga soo saaro kulamada dhaxmaray wafdiga uu horkacayo iyo madaxda maamulka Jubbaland.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]