4/19/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, Mar 12, 2019
Ciidamo weerar ka fuliyay gobolka Shabeellaha hoose

 

Talaado, Maarso, 12, 2019 (HOL)- Wararka ka imanaya gobolka Shabeellaha hoose ayaa sheegaya in xalay ciidamo ka tirsna kuwa dowladda Soomaaliya oo garabsanaya ciidamo Mareykan ah weerar ku qaadeen deegaanka Daaru-Salaam oo hoostaga degmada Awdheegle ee gobolka Shabeellaha Hoose.

Dadka deegaanka ayaa sheeegay in deegaannada la weeraray fariisimo ku lahaayeen xoogagga Ururka Al-shabaab, waxaana wararku sheegayaa in labada dhinac uu halkaa ku dhaxmaray dagaal culus.

Warar Al-Shabaab ay ku baahiyeen barahaInternet-ka, ayeey ku sheegeen in ay iska caabiyeen, weerar qorsheysan oo uga yimid ciidamo isku dhaf ah.

Waxaa jira warar sheegaya in dagaalkaasi uu sababay khasaare dhimasho iyo dhaawacba leh, waxaana sidoo kale qeyb ka ahaa dagaalka diyaarado la sheegay in ay madaafiic ridayeen.

Dhinaca saraakiisha dowladda Soomaaliya wax war ah kama aysan soo saarin iska horimaadka xalay ka dhacya gobolka Shabeellaha hoose oo ka mid ah deegaannada ay ku xooggan yihiin Al-shabaab.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]