4/19/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, Mar 11, 2019
Shir wadatashi ah oo odayaasha iyo Xukuumadda DDS uga furmay magaalada Godey

 

Isniin, Maarso, 11, 2019 (HOL)- Waxaa magaalada Godey ee Degaanka Soomaalida saaka ka furmay shirwayne ay yeelanayaan odayaal dhaqameedka degaanka iyo xukuumadda Dawladda Degaanka Soomaalida.

Shirwaynahan oo ah mid wada tashi dowladda iyo Odayaasha degaanka u dhaxeeya ayaa waxaa kasoo qayb galay madaxda u saraysa degaanka oo uu u horeeyo Madaxwaynaha Dawladda Degaanka Soomaalida Mustafe Muxumed Cumar iyo Odayaasha, Cuqaasha iyo waxgaradka degaanka.

 

Haddaba shirwaynahan wada tashiga ah ayaa intuu socdo lagaga wada hadli doonaa xaaladaha uu wakhti xaadirkan degaanku ku sugan yahay iyo sidii loola jaan qaadi lahaa isbadallada siyaasadeed iyo hormarineed ee degaanka iyo dalka ka soconaya.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]