3/29/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, Mar 11, 2019
Madaxda Somaliland oo soo saxeexay buugga tacsidda dadkii ku geeriyooday diyaaraddii burburtay


Isniin, Maarso 11,   2019  (HOL)- Xukuumaddda iyo xisbiyadda mucaaradka ah ayaa si gooni gooni uga tacsiyadeeyey Itoobiya dadkii ku geeriyooday iyo diyaaradoodii ku burburtay, waxaanay maanta soo saxeen buugii tacsiyadda ee la dhigay xafiiska itoobiya ku leedahay Hargeysa.

Madaxweyne ku-xigeenka Somaliland ahna ku simaha Madaxweynaha Somaliland, Mudane Cabdiraxmaan Cabdilaahi Ismaaciil (Saylici) ayaa maanta tacsi ugu tegay xafiiska Itoobiya ku leedahay Somaliland isagoo ka tacsiyadeeyey safiirka dalka Itoobiya u fadhiya Somaliland oo ay wehelinayaan hawl-wadeenadiisu, waxaanu madaxweyne ku xigeenku saxeexay buugga tacsida ee la dhigay safaaraddaasi.

Waxaana madaxweyne ku xigeenka ku wehelinaayey tacsida agaasimeyaasha guud ee Madaxtooyada Somaliland iyo Barnaamijka shaqo qaran, Mudane Maxamed Cali bile iyo Mudane Maxamed Xuseen Cismaan (Mu’adinka)..

Sidoo kale, Gudoomiyaha xisbiga UCID Eng;Faysal Cali Waraabe ayaa isna ka mid noqday dadkii soo saxeexay buugga tacsida ee safaaradda la dhigay, taas oo loogu baroor diiqayo dadkii ku geeriyooday shilkii diyaaradeed ee ka dhacday Itoobiya.

Barkhad-ladiif  M. Cumar, Hiiraan Online
[email protected]
Hargeysa, Somaliland.

 

 













Click here
3/11/2019 4:52 PM EST
Isniin, Maarso, 11, 2019 (HOL)- Madaxweynaha dowladda federaalka ah ee Soomaaliya, Maxamed Cabdullaahi Farmaajo iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa caawa gaaray magaalada Kampala,kaddib casuumad uu ka helay madaxweynaha dalka Uganda.

3/11/2019 12:29 PM EST
Isniin, Maarso, 11, 2019 (HOL)- Madaxweynaha dowladda Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa galinkii danbe ee maanta u dhoofay magaalada Kampala ee dalka Uganda.

3/11/2019 9:49 AM EST
Isniin, Maarso, 11, 2019 (HOL)- Waxaa magaalada Godey ee Degaanka Soomaalida saaka ka furmay shirwayne ay yeelanayaan odayaal dhaqameedka degaanka iyo xukuumadda Dawladda Degaanka Soomaalida.

3/11/2019 9:16 AM EST
Isniin, Maarso, 11, 2019 (HOL) - Ku-xigeenka ergayga gaarka ee Midowga Africa ee hawlgalka AMISOM, Simom Mulongo ayaa xaqiijiyey in ay ku-simihii taliyaha Police-ka ee AMISOM Kiristiine Alalo ay ku geeriyootay duulimaadkii B737 ee Ethiopian Airlines ee shalay bur-burtay.

3/11/2019 8:52 AM EST
Isniin, Maarso, 11, 2019 (HOL)– Dad aad utiro badan ayaa maanta isugu tagay garoonka diyaaradaha magaalada Kismaayo, kuwaa oo isugu jiray masuuliyiinta dowlad goboleedka Jubbaland ....

3/11/2019 5:50 AM EST
Isniin, Maarso, 11, 2019 (HOL) – Doodan oo ay qayb ka ahaayeen Xildhibaan Fowzia Yusuf Xaaji Adan cilmi wasiirkii hore wasaaradda Arimaha dibadda, Dr. Abdirahman M. Abdullahi (Baadiyow)- aqooyahan, qoraa, Robert Kluijver Macalin ka tirsan Paris Institute of Political Studies: Sciences Pro, Jaamacadda SIU-na cashiro ka bixiya.

3/11/2019 5:02 AM EST
Isniin, Maarso, 11, 2019 (HOL) – Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna duqa Muqdisho Eng, C/raxmaan Cumar Cismaan Yariisow ayaa shir jaraa’id uu ku qabtay magaalada Muqdisho waxa uu amray in laga guuro Xaruntii Ciidamada Badda Ex Mariino & Gurigii Taliyaha Ciidamada Badda oo ku yaalla degmada Cabdul Casiis ee Gobolka Banaadir.

3/11/2019 2:51 AM EST
Isniin, Maarso, 11, 2019 (HOL)–Ciidamada dowladda Soomaaliya ayaa habeennimadii xalay ku qabtay magaalada Muqdisho Nin xirnaa dharka Dumarka, waxaana gaar ahaan Ninkan laga soo qabtay degmada Kaaraan.

3/11/2019 1:49 AM EST
Isniin, Maarso, 11, 2019 (HOL)– War ka soo baxay Qaramada Midoobey ayaa lagu sheegay in 19 ka mid ah shaqaalaheeda ay ku dhinteen burburka diyaaradii Ethiopian Airlines ee bur burtay maalintii shalay.

3/11/2019 12:49 AM EST
Isniin, Maarso, 11, 2019 (HOL)-Mudane Xasan Cali Khayre, Raysul wasaaraha dalka ayaa la filayaa in uu maanta soo gaaro magaalada Kismaayo, kadib mudo dheer oo laga sugayay in uu yimaado Kismaayo.