4/25/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, Mar 11, 2019
Ciidamada dowladda oo qabtay Nin xirnaa dharka Dumarka

 

Isniin, Maarso, 11, 2019 (HOL) – Ciidamada dowladda Soomaaliya ayaa habeennimadii xalay ku qabtay magaalada Muqdisho Nin xirnaa dharka Dumarka, waxaana gaar ahaan Ninkan laga soo qabtay degmada Kaaraan.

Dadka degmada ayaa la sheegay in ay shakiyeen qofkan oo xirnaa Xijaab iyo Indho –Shareer, iyaga oo shakiga kaddib arintan ku wargaliyay ciidamada dowladda oo markii danbe ogaaday in uu yahay Nin soo xirtay dharka Dumarka.

Inkastoo aan wax hub ah lagu qaban, haddana saraakiisha hay’addaha danbi-baarista ayaa sheegay in ay uga shakisan yihiin in uu sirdoon u ahaa Ururka Al-shabaab.

23-kii bishii hore ee sanadan 2019, kooxo Bistoolado ku hubeysan, ayaa degmada Kaaraan ku dishay Xildhibaan Cismaan Cilmi Boqore oo katirsanaa Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Soomaaliya.

Magaalada Muqdisho kuma cusba in sidan oo kale ciidamadu soo qabtaan rag ku soo labista dharka Dumarka, kuwaa oo baaritaan kaddib la ogaado in ay ka tirsan yihiin Ururka Al-shabaab.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]