3/29/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, Mar 10, 2019
Wada hadalo hor dhac ah oo u bilaawday dowladda dhexe iyo Jubbaland

 

Axad, Maarso, 10, 2019 (HOL) Dhawaan waxaa tagay magaalada Kismaayo ee xarunta KMG u ah maamul gobolleedka Jubbaland wafdi ka socday xafiiska ra'iisal wasaaraha xukuumadda Soomaaliya Xassan Cali Kheyre.

Xoghayaha joogtada ah ee xafiiska Ra’iisul Wasaaraha xukuumadda  federaalka Soomaaliya (XFS), Axmed Nuur Maxamed Cabdi, ayaa magaalada  Kismaayo kula kulmay agaasimayaasha guud ee wasaaradaha dawlad  gobaleedka Jubaland.

Kulanka ayaa looga hadlay adkaynta wada shaqaynta wasaaradaha Jubaland iyo wasaaradaha federaalka si loo fududeeyo loona daadejiyo howlaha dawladda ee lagu dhaqan geliyo halbeegyada tubaha qaranka.

Shirka ay yeesheen  xoghaye Axmed Nuur iyo agaasimayaasha guud ee wasaaradaha dawlad  gobaleedka Jubaland ayaa sidoo kale aad loogu falanqeeyay isku tashiga,  qorshaynta iyo curinta howlaha danta qaranku ku jirto ee loogu adeegayo  ummadda Soomaaliyeed iyo in laga fogaado in lagu dhaqmo qorshooyin aan  ka tarjumayn danta mawaadiniinta, ayna soo dejiyeen dad aan Soomaali  ahayn.

Xog-hayaha joogtada ah ee xafiiska Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya ayaa kulanka ka sheegay in dalka Soomaaliya uu yahay dal barwaaqo ah, hadii la isku tashado oo si wadajir ah dadaal badan loo sameeyana laga baxayo faqriga iyo gaajada dhibaatada ku haysa umadda Soomaaliyeed.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected] 

 

 
 
 













Click here
3/10/2019 1:44 PM EST
Axad, Maarso, 10, 2019 (HOL) – Dowladda Soomaaliya ayaa Shacabka iyo Dowladda Federaalka Itoobiya uga tacsiyadeysay shilkii diyaaradeed ee ka dhacay dalkaasi Itoobiya,kaasi oo saameyn ku yeeshay dad rakaab ah oo ka soo kala jeeda dalal kala duwan oo uu ku jiro muwaadin Soomaaliyeed.

3/10/2019 10:15 AM EST
Axad, Maarso, 10, 2019 (HOL)- Madaxweyne ku-xigeenka Puntland, ahana Guddoomiyaha Guddiga Abaaraha, Axmed Cilmi Cismaan Karaash ayaa maanta daahfuray shir looga hadlay abaaraha ka jira Puntland, kuwaas oo saamayn ku yeeshay duunyadda iyo nolosha dadka ku dhaqan deegaannada Puntland.

3/10/2019 10:02 AM EST
Axad, Maarso, 10, 2019 (HOL)- Dhismaha waddada laamiga ah ee bartamaha magaalada Burtinle ee gobolka Nugaal ayaa maanta billowday,kaddib muddo dheer oo aysan wax tayactir ah helin waddadaa oo burbur xooggan uu soo gaaray.

3/10/2019 10:01 AM EST
Axad, Maarso, 10, 2019 (HOL) – Badhasaabka gobolka Gabiley iyo taliyaha qaybta booliska ee Gabiley ayaa ka hadlay dhacdo shalay ka dhacday Gabiley oo gacan hadal ku dhexmaray askari iyo wariye, taas oo askariga xabad dhulka ugu dhuftay.

3/10/2019 9:27 AM EST
Axad, Maarso, 10, 2019 (HOL)- Wasiirka Horumarinta Haweenka iyo Arrimaha Qoyska Puntland, Marwo Aamina Cismaan Xaaji ayaa sheegtay inay ka shaqeyn doonto sidii haweenka ay u heli lahaayeen cadaalad, si loo gaaro dumarka inuu sameeyo horumar dhinac walba leh.

3/10/2019 9:11 AM EST
Axad, Maarso, 10, 2019 (HOL)- Madaxda shirkadda diyaaradaha Ethiopian Airlines ayaa goor dhaw ku dhawaaqay dalalka ay ka soo jeedaan dadkii la socday diyaaradii burburtay oo la sheegay in gabi ahaanba ay dhinteen

3/10/2019 8:59 AM EST
Axad, Maarso, 10, 2019 (HOL) – Ra’iisal Wasaaraha xukuumadda federaalka Soomaaliya (XFS) Xasan Cali Khayre, ayaa maanta ka qayb galay Janaasada iyo aaska Qaran ee Muqdisho loogu sameeyay Allaha u naxariistii wasiirkii arrimaha dastuurka, Cabdiraxmaan Xoosh Jibriil, jimcihii geeriyooday.

3/10/2019 8:34 AM EST
Axad, Maarso, 10, 2019 (HOL) – Wali waxaa isa soo taraya wararka ku saabsan burburka diyaaradaha Ethiopian Airlines oo ku burburtay magaalo lagu magacaabo Bishoftu oo Koonfur Bari ka xigta magaalada Addis Ababa ee dalka Itoobiya.

3/10/2019 6:28 AM EST
Axad, Maarso, 10, 2019 (HOL)-Warar dheeraad ah ayaa ka soo baxaya bur burka diyaarada Ethiopian Airlins oo nooceedu ahaa Boeing 737 oo ka duushay garoonka diyaaradaha magaalada Addis Ababa kuna sii jeeday magaalada Nairobi ee dalka Kenya.

3/10/2019 4:58 AM EST
Axad, Maarso, 10, 2019 (HOL)- Warar daqiiqado ka hor soo baxay ayaa sheegaya ay bur burtay diyaarad diyaarada Ethiopian Airlines oo ka duushay magaalada Addis Ababa kuna sii jeeday magaalada Nairobi ee dalka Kenya.

3/10/2019 4:45 AM EST
Axad, Maarso, 10, 2019 (HOL)- Mid ka mid ah ardeyda wax ka barata dugsiga Mujamac ayaa ku dhax dilay ardey kale gudaha fasalkii ay wax ka wada dhiganayeen.

3/10/2019 1:13 AM EST
Axad, Maarso, 10, 2019 (HOL)- Wasiirka caafimaadka Tunisia, Cabdirauf Sharif ayaa iscasilay ka dib markii 11 ilma markaa uun dhashay ah ay ku dhinteen cisbital ku yaal caasimadda Tunis.

3/10/2019 12:47 AM EST
Axad, Maarso, 10, 2019 (HOL)-Maamulka gobolka Shabeellaha Hoose ayaa faah faahin ka bixiyay howlgallada ciidamada Kumaandoosta Soomaaliya iyo kuwa Mareykanka ka fuliyaan deegaanada Al-Shabab ay kaga sugan yihiin gobolkaas.

3/10/2019 12:29 AM EST
Axad, Maarso, 10, 2019 (HOL) - Ciidamada dowladda Soomaaliya ayaa gabi ahaanba maanta xiray inta badan jidadka muhiimka u ah isku socodka dadweynaha ee magaalada Muqdisho, iyadoo maanta la filayo in dalka la keeno meydka Wasiirkii Dastuurka dowladda Soomaaliya Cabdiraxmaan Xoosh Jabriil.