4/20/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, Mar 10, 2019
Ardey lagu dhax dilay gudaha fasalkii uu wax ka dhiganayay magaalada Beledweyne

 

Axad, Maarso, 10, 2019 (HOL)- Mid ka mid ah ardeyda wax ka barata dugsiga Mujamac ayaa  ku dhax dilay ardey kale gudaha fasalkii ay wax ka wada dhiganayeen.

Labada Ardey ayaa la sheegay in uu horay dagaal u dhaxmaray, hasse ahaatee saakay markii ay fasalka isugu tageen mar kaliya laga war helay ardeyga oo toorey ku weeraray ardeyga geeriyooday.

Ciidamo ka tirsan kuwa booliiska Soomaaliya oo tagay dugsiga uu falkan ka dhacay ayaa halkaa ku qabtay ardeyda dilka geystay, sida ay HOL u sheegeen qaar ka mid ah macalimiinta wax ka dhigta Iskuulka.

Falkan ayaa argagax iyo baqdin ku abuuray ardeydii ku sugneyd gudaha Iskuulka, gaar ahaan kuwii wax ka dhiganayay falka uu falka ka dhacay,

Waa markii ugu horeysay gudaha magaalada Beledweyne uu ardey lagu dhax dilo falka uu wax ka dhiganayay gudihiisa, iyadoo waliba uu dilkan geystay ardey kale oo ay wax wada baranayeen. 

 C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]