4/19/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, Mar 10, 2019
Xarumo Al-shabaab oo la bur buriyay gobolka Shabeellaha Hoose

 

Axad, Maarso, 10, 2019 (HOL)-Maamulka gobolka Shabeellaha Hoose ayaa faah faahin ka bixiyay howlgallada Ciidamada Kumaandoosta Soomaaliya iyo kuwa Mareykanka ka fuliyaan deegaanada Al-Shabab ay kaga sugan yihiin gobolkaas.

Maxamed Ibraahim Barre guddoomiyaha gobolka Shabeellaha Hoose ayaa sheegay in ciidamada dowladda iyo saxiibadooda taageeraya ay howlgalladii ugu dambeeyay ay ka fuliyeen Gobolka ay ku guuleysteen in ay bur buriyaan xarumo ay lahaayeen Al-shabaab.

Waxaa uu intaa ku daray in ciidamada Kumaandoosta Soomaaliya ay sidoo kale weerarro cir iyo dhul ah ay ku qaadeen Saldhigyo Ururka Al-Shabaab ay kaga sugnaayeen deegaanada, Awdheegle, Bariira, Janaale, Tuulada Dacare iyo Kuunya Barrow.

Guddoomiyaha ayaa sheegay in deegaannadan lagu dilay xubno ka tirsan Al-shabaab oo qaraxyo diyaarinayay sidoo kalena la bur buriyey xarumo ay gaadiidka lacag uga qaadi jireen sida uu hadalka u dhigay.

Al-shabaab wax war ah kama aysan soo saarin sheegashada maamulka gobolka Shabeellaha ee burburita xarumo ay ku lahaayeen gobolka.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]