4/18/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, Mar 10, 2019
Jidadka magaalada Muqdisho oo saakay xiran

 

Axad, Maarso, 10, 2019 (HOL) - Ciidamada dowladda Soomaaliya ayaa gabi ahaanba maanta xiray inta badan jidadka muhiimka u ah isku socodka dadweynaha ee magaalada Muqdisho, iyadoo maanta la filayo in dalka la keeno meydka Wasiirkii Dastuurka dowladda Soomaaliya Cabdiraxmaan Xoosh Jabriil.

Wadooyinka ay ciidamada xireen ayaa waxaa ka mid ah laga bilaabo Isgoyska Ex-Koontorool Afgooye iyo Isgoyska Sayidka,isla markaana gaadiidka dadka Shacab ah ay wataan loo diidayo inay isticmaalaan.

Xirnaanshaha jidadka Muqdisho saameynta ugu badan waxaa ay ku yeelataa dadka Shacabka ah oo xilliyada Shaqada ama goobaha Waxbarashada ay ku wajahan yihiin taga iyaga oo lugeynaya.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]