4/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, Jun 29, 2019
Madaxweyne Farmaajo oo qaabilay wasiirka maaliyadda Itoobiya oo booqasho ku soo gaaray Muqdisho

Sabti, June, 29, 2019 (HOL) –  Wasiirka maaliyadda dowladda federaalka ah ee dalka Itoobiya, Axmed Shide ayaa maanta booqasho ku soo gaaray caasimadda Muqdisho.

Waxaa xarunta madaxtooyadda ku qaabilay madaxweynaha Soomaaliya, Maxamed Cabdullaahi Farmaajo,iyadoo war kooban oo madaxtooyadda Soomaaliya ay uga hadashay kulanka lagu sheegay in wasiirka maaliyadda Itoobiya uu soo gaarsiiyay madaxweynaha dhambaal hambalyo iyo salaan ah uga siday Ra’iisul Wasaare Dr. Abiy Axmed.

"Madaxweyne Farmaajo ayaa u xaqiijiyay Wasiirka sida Dowladda Federaalka Soomaaliya ay uga go’antahay nabadgalyada, xasilloonida iyo horumarka dhaqaale ee guud ahaan Gobolka Geeska Afrika." ayaa lagu yiri qoraalka.

Itoobiya iyo Soomaaliya ayaa xiriir wanagsan sameynayay muddooyinkii dambe, balse ma jirto faahfaahin laga helay haddii kullanka madaxweynaha Farmaajo iyo wasiirka maaliyadda Itoobiya lagu soo qaaday arrimo siyaasadeed.

Iman Mohamed Jama, Hiiraan Online
[email protected]