4/29/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, Jun 26, 2019
Hargeysa oo looga dabaaldegay sanad guuradii 59 aadka soo wareegtay 26 june


Arbaco, June, 26 2019 (HOL)-  Xuska 59 guuradii ka soo wareegtay maalintii Ingiriiska ka qaateen xoriyadda Somaliland ee 26 june ayaa xalay lagu xusay magaaladda Hargeysa, waxaana ka soo qaybgallay madax iyo shicib faro badan oo xusayey maalintan.

Munaasibadda loogu dabbaaldegayo sannad-guurada 59-guurada kasoo wareegtay 26-kii, ayaa waxa ka qaybgalay madaxweynaha Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi, madaxweyne-ku-xigeenkiisa, mudane Cabdiraxmaan Cabdilaahi Ismaaciil (Saylici), madaxweynihii hore ee Somaliland, mudane Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo), shirguddoonka goleyaasha guurtida iyo wakiillada, guddoomiyaha maxkamadda sare ee Somaliland, garyaqaan Aadan Xaaji Cali, hoggaanka saddexda xisbi qaran ee UCID, KULMIYE iyo WADDANI, qaar kamid ah madaxweyne-ku-xigeennadii hore ee Somaliland, wakiillo ka socda dalalka Jabuuti, Itoobiya iyo Turkiga, qaar ka mid ah golaha wasiirradda, xildhibaanno, siyaasiyiin, haldoor, haween, badiba labeenta bulshada reer Somaliland iyo marti-sharaf kale oo tiro badan, waxana munaasibadda laga jeediyey hadallo salka ku haya muhiimadda ay maalintaasi leedahay iyo taariikhda ma guuraanka ah ee ay xambaarsan tahay.

Xubno ay kamid yihiin guddoomiyaha ku meel-gaadhka ah ee xisbiga WADDANI, Mudane Cabdiqaadir Xaaji Ismaaciil Jirde, guddoomiyaha xisbiga UCID, Eng. Faysal Cali-waraabe, wasiirka wasaaradda horumarinta beeraha, mudane Axmed Muumin Seed, wasiirkii hore ee wasaaradda gaashaandhigga, mudane Axmed Xaaji Cali Cadami, Abwaan Maxamed Aadan Dacar oo munaasibadda ka hadlay, ayaa si isku mid ah u sharraxay muhiimadda ay munaasibadda 26-ka June u leedahay guud ahaanba ummadda reer Somaliland iyo sida ay mudan tahay in wax badan laga barto taariikhda ku duugan.

Madaxweyne Biixi oo munaasibadda loogu dabbaal-degayey 59-guurada kasoo wareegtay 26-kii June sannadkii 1960-kii, ayaa ugu horrayn ka hadlay taariikhda ku duugan munaasibaddaas iyo sidii ay ku timi, waxana uu sheegay inay Somaliland kamid tahay dalalka Afrika ee ugu taariikhda dheer.

“Xorriyadda Somaliland waxa ay kasoo bilaabantaa markii qarnigii 18-aad ay odayaasha Somaliland Ingiriiska kula saxeexdeen badda ee dhammaan odayaasha Somaliland oo dhammi uu mid waliba uu halkiisa kaga saxeexday qodobbada ah, annagu isticmaar noqon maynno, dushaad naga ilaalinaysaa, dhulkayaga kuma dhali kartid, markaannu ku nidhaahno naga tagna waad naga tegaysaa. U mallayn maayo dal Afrikaan ah oo intaas haleelay inuu jiro, taariikhduna halkaasay kasoo bilaabantaa,” ayuu yidhi madaxweyne Muuse Biixi Cabdi.

Sidoo kale, waxa uu madaxweynuhu si gaar ah carrabka ugu adkeeyey shuruudaha aan la aqbali Karin ee ay dawladda Sucuudigu ku xidhay dhoofka xoolaha Somaliland, isaga oo sheegay in ganacsatada reer Somaliland ee xoolaha dhoofiyaa go’aan ku gaadheen inaanay u hoggaansamin shuruudaha uu sucuudigu dhoofinta xoolaha Somaliland ku hoos geeyey Soomaaliya, isaga oo dhammaanba dadka ka ganacsada dhoofka xoolaha Somaliland-na usoo jeediyey inay taageeraan go’aanka ay ganacsatadaasi ku taageereen qarannimada Somaliland.

Madaxweyne Biixi waxa uu dawladda Itoobiya ka tacsiyadeeyey saraakiishii iyo siyaasiyiintii la laayey, waxana uu sheegay inay xukuumad ahaan dareenka xanuunka leh la wadaagayaan shacabka iyo xukuumadda Itoobiyaba.

Ugu dambayntii waxa calanka Somaliland la saaray markii ay saacaddu ahayd ahayd 12:00-kii Habeennimo, iyada oo uu madaxweynuhu salaan siiyey calanka Somaliland.

Barkhad-ladiif M. Cumar, Hiiraan Online

[email protected]

Hargeysa, Somaliland.