4/29/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, Jun 26, 2019
Xaaf oo deegaanka Godinlabe ku soo dhaweeyay Ra’iisul wasaare Khayre

Arbaco, June, 26, 2019 (HOL) -Ra’iisul wasaaraha xukuumadda federaalka ee Soomaaliya, Xasan Cali Khayre ayaa socdaal dhulka ah ku maraya deegaannada gobolka Galgaduud ee dowlad-gobolleedka Galmudug.

Ra’iisul wasaare Khayre iyo wafdi uu hoggaaminayo oo labadii maalmood ee u dambeysay ku sugnaa magaalada Dhuusamareeb ee xarunta dowlad-gobolleedka Galmudug ayaa deegaanka Godinlabe waxaa ku soo dhaweeyay madaxweynaha Galmudug, Axmed Ducaale Geelle Xaaf.

Wafdiga ra’iisul wasaaraha ayaa ku sii jeedda magaalada Cadaado, halkaa oo uu kullamo kula qaadan doono madaxweynaha Galmudug iyo mas’uuliyiinta kale ee dowlad-gobolleedka.

Waxaa degmada Cadaado horey ugu sugnaa xildhibaanno ka tirsan labada gole ee Baarlamaanka federaalka, iyadoo ujeeddada socdaalka ra’iisul wasaaraha iyo xildhibaannada labada gole lagu sheegay sidii xal loogu heli lahaa khilaafka ragaadiyay maamulka Galmudug.

Iman Mohamed Jama, Hiiraan Online
[email protected]